XOG MUHIIM AH:Muungaab oo Saacada ku dhamaanaysa, Kuxigeenadiisa oo Dacwad gudbiyay, Aqri

0
90

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heleyso Newsomali.com ayaa sheegaya inuu soo if baxay khilaaf u dhaxeeya Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) iyo qaar ka mid ah kuxigeenadiisa, kaasoo ku saabsan awooda xaga maamulka ah.
99Khilaafkan oo in muddo ah soo jiitamayay ayaa soo banaanka u soo baxay kadib markii Kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir ay dacwad ka dhan ah Gudoomiyaha u gudbiyeen Madaxweynaha.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dacwadan ay salka ku heyso eedeymo iyo tabashooyin ay qabaan Guddoomiye kuxigeenada, waxaana ka mid ah in Guddoomiyaha uu isku koobay awooda guud ee xaga maamulka, la tashi la’aan dhinaca go’aanada marka la gaarayo.

Guddoomiye kuxigeenada dacwada gudbiyay ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Maaliyada Ismaaciil Guure, Guddoomiye kuxigeenka dhinaca Arrimaha Bulshada Iimaan Iikar iyo Howlaha Guud, inkastoo wada hadalo hoose ay socdaan oo ku aadan sidii ay isugu soo dhowaan lahaayeen.

Sidoo kale Kuxigeenada Gobolka Banaadir ayaa ku doodaya in aan lagala tashan dhulal uu bixiyay Guddoomiyaha, sida Jardiino iyo dhulal kale, isla markaana aanay shaqooyinkooda aanay u madax banaaneyn, ayna jiraan agaasimayaal ka awood badan kuna dhow Guddoomiyaha.

Si kastaba ha ahaatee khilaafkan soo shaac baxay ee u dhaxeeya Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo kuxigeenadiisa ayaa ku soo beegmaya, xilli si aad ah loo hadal haayo in Muungaab xilka laga qaadi doono ayna u harsan tahay waqti yar sida ay sheegayan warar lagu kalsoon yahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka fikiraya inuu bedelo Muungaab oo eeda loo haaya ay ka badan tahay badweynta Hindiya, waxaana lagu eedeyanaya inuu iibsaday dhulal fara badan oo qaranka lahaa iyo inuu lacagtii Maamulka Gobolka Banaadir jeebka ku shubtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here