Korneyl Cismaan Cilmi Guure (Cukaasha) oo ka tirsan Militariga Somaliya oo isku dhiibay Xafiiska Qaramada Midoobe Somaliya

0
71

Korneyl Cismaan Cilmi Guure (Cukaasha), ayaa xalay isku dhiibay Madaxda Qaramada Midoobe ee ka hawlgasha Magaalada Muqdisho, ka dib markii uu ka codsaday in magangelyo loo fidiyo.

Korneyl Cismaan Cilmi Guure (Cukaasha),
Korneyl Cismaan Cilmi Guure (Cukaasha),

Korneyl Cismaan Cilmi Guure, ayaa Qaramada Midoobe u sheegay inuu dareemaayo in qalqal amni uu soo wajahay, isagoona ka baqdin qaba in lagu waxyeeleeyo Magaalada Muqdisho.

Sarkaalkan, ayaa waxaa lagu xiray Magaalada Muqdisho daba yaaqada sanadkii hore, xilli uu gabay ka sameeyay Taliyaha Ciidanka Militariga Somaliya, General Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe). Gabaygaasi oo loogu magac-daray (Fariin Qaran), ayaa ka hadlaayay musuq maasuq la sheegay inuu ka dhex jiro Taliska Militariga Somaliya.

Sidoo kale Sarkaalkan, ayaa bishii June laga sii daayay Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho, ka gadaal markii uu ku xirnaa muddo dhan sideed bilood. Amarkii lagu xiray, ayaa la tilmaamay inuu bixiyay Taliyaha.

Lama garanaayo waxa ay noqon doonto magangelyada uu Xafiiska Qaramada Midoobe ee Somaliya u fidin doono Korneyl Cukaasha. Haddii dalka dibaddiisa loo kaxayn lahaa iyo haddii kalaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here