GOLAHA WASIIRADA oo La isku Shaandheynayo iyo Is Bedel lagu sameynayo Hogaanka Gobolka Banaadir Muungaab oo seefta saaran Saacadihiisana Tirsanaya.

0
86

Waxaa suuragal ah in saacadaha soo socda Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke isku shaandheyn ku sameeyo Golihiisa Wasiirada, iyadoo la filayo inay Golaha cusub ku soo laabtan ragg aad isugu dhaw yihiin Madaxweynaha Soomaaliya horeyna uga mid ahaa Golihii Wasiirada Ra’iisal wasaarihii hore C/weli Sheekh.
xasa
Ilo wareedyo muhiim ah ayaa xaqiijinaya dhab ahaanshaha ku saabsan isku shaandheynta, iyadoo ay jireen kulamo ay ka lahaayeen Madaxda dowladda.

Wararka qaar ayaa sheegaya in isku shaandheyntan ay saameyn ku yeelan doonto Wasiiro miisaan culus leh, waxaana lagu sababeyn doonaa qaabka isku shaandheyntan u dhaceyso xaalada siyaasadeed ee dalka, maadaama marxalad kale loo gudbi doono marka la gaaro sanadka 2016.
Isku shaandheyntan ayaa noqon doonin mid guud ah, balse xubno badan oo Wasiiro ah ayaa loo kala bedelayaa boosaskooda, halka kuwa cusub ay imaan doonaan.
images
Dhinaca kale waxaa laga war sugayaa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud is bedel ku sameeyo hogaanka Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana isha lagu haaya oo seefta ku dhici doonta Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” .
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa lagu eedeeyay wax is daba marin, musuq maasuq iyo inuu iibsado dhul ay lahayd Dowladda Soomaaliya, waxaa sidoo kale lagu eedeeyay wada shaqeyn la’aan kala dhaxeysa kuxigeenadiisa, waxaana haatan hakad ku jira howlihii Maamulka Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here