C/xakiin Fiqi" Waxaa loo baahan yahay in lagula xisaabtimo Ciidamada Amisom falalka ay ka geysanayan Magaalada Marka"

0
32

C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, Wasiirkii hore ee Wasaarada Gaashaandhiga ayaa sheegay dhibaatooyinka soo noq noqday ee ciidamada Amisom ay ka geystaan Magaalada Marka inay tahay mid ku timid la xisaabtan la’aan.
download
Waxa uu Fiqi sheegay in ciidamada Amisom loo baahnaa in lagul xisaabtamo dhacdooyinka ay ka geysanayaan Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha hoose.

Fiqi ayaa sheegay in shaqada Amisom ay u yimaadeen dalka Somalia inay tahay la dagaalanka Al Shabaab iyo inay tababaro siiyaan ciidamada Xooga dalka Somalia, balse shaqadooda marnaba aysan ku jirin inay laayaan dad shacab ah.

Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga ayaa ku nuux-nuuxsaday in Amisom laga rabo inay qaado tallaabooyin cad cad oo ay ku daawoowi karaan shacabka Magaalada Marka, balse wuxuu sheegay in shacabka aysan ku daawoowi karin Warsaxaafadeed Amisom kasoo baxa kaliya.

Dadka reer Marka ayaa ciidamada Amisom markii ay u dulqaadan waayeen dhibaatooyinka ay ka geystaan Magaalada Marka, waxa ay ka dalbadeen ciidanka Amisom inay ka guuraan guud ahan Magaalada Marka.

Dhacdooyinka foosha xun ee ciidamada Amisom ay ka geystaan Magaalada Marka ayaanan aheyn kuwa cusub, iyadoo dhowr mar dad shacab ah ku laysay Amisom Magaalada Marka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here