Baarlamaanka Jubbaland oo diiday inay waqti dheeraad ah ku daraan xilliga loo asteeyay Doorashada Madaxtinimada Jubbaland

0
42

Baarlamaanka Maamulka Jubbaland ayaa diiday dalab kaga yimid Hogaamiyaha Maamulka KMG ee Jubbaland Axmed Madoobe, kaasi oo ku aadanaa in Baarlamaanka Jubbaland ay waqtiga ay u asteeyeen doorashada wax ku daraan.
Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Jubbaland, waxa ay sheegeen inaysna waqti ku dari doonin xilliga lagu balamay inay dhacdo doorashada Madaxtinimada Maamulka Jubbaland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed, ayaa u sheegay Saxaafadda in Xildhibaanada Baarlamanka Maamulka Jubbaland ay ku gacan seereen dalabka ka yimid Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland, waxaana ay isku raaceen in 15-ka Bishan oo Waqtiga doorashada loo asteeyay inay dhacdo.

Doorashada Madaxtinimada Baarlamaanka Maamuka Jubbaland ayuu sheegay inay dhaceyso waqtigii loogu talo galay, islamarkaana go’aanka Xildhibaanada uu sidaasi yahay.

Magaalada Kismaayo ayaa lasoo sheegayaa in laga dareemaayo u diyargaroowga doorashada Madaxtinimada Jubbaland, iyadoo olole aan sidaasi u buurneyn uu Magaalada ka socda.

Weli ma muuqata qof isku soo taagay doorashada Madaxtinimada Maamulka Jubbaland oo aan ka aheyn Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland ee iminka talada haya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here