KASHIFAAD:KUXIGEENADA Maamulka Gobolka Banaadir oo dacwad ka dhan ah Muungaab u gudbiyeen Madaxweyne Xasan, Maxaa la isku haysta oo muranka ka taagan yahay?

0
34

Guddoomiye kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maalmo ka hor waxay kulan la yeeshan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud waxayna sababta Madaxweynaha ugu tageen lagu sheegay iyagoo ka cabanaya Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”.

Muungaab iyo kuxigeenkiisa
Muungaab iyo kuxigeenkiisa

Sida ay Newsomali.com u sheegeen Saraakiil ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo howl wadeenada Madaxtooyada kuxigeenka Maamulka Gobolka Banaadir waxay Madaxweynaha u gudbiyeen Docomenti ka kooban 16 Bogg oo ay kaga hadlayaan muranka iyaga iyo Muungaab ka dhaxeeya.
Khilaafka oo ahaa mid in mudo ah soo jiitamayay ayaa sii xoogeestay kadib markii Gudoomiyaha Gobolka Banaadir uu albaabada ka xirtay kuxigeenadiisa Howlaha Maamulka Gobolkana uu kusoo koobay xafiiskiisa oo kaliya.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa lagu eedeeyay inuusan la tashan kuxigeenadiisa isla markaana wixii uu doono ka sameeya Maamulka Gobolka.
Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya awooda maamulka Gobolka Banaadir oo ku koobmay Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, iyadoona xusid mudan tahay in Gudoomiye kuxigeenada ay noqdeen kuwa aan u madax banaaneen shaqooyinkooda wax saxiix ahna aan sameyn Karin xitaa hadii Gudoomiyaha uu dalka dibadiisa u baxo.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”

Waxaa ugu weyn oo la isku haysto ayaa waxay tahay sababta Muungaab isagoo aan la tashan ugu wareejiyay Cashuuraha laga qaado guriyaha iyo lacagta laga qaado gaadiidka Dekedda Shirkaddo la sheegay inuu Muungaab wax ku leeyahay iyo dhaqaalaha Gobolka oo la sheegay inuu gacanta u galay Muungaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka dhageystay kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir dacwada ay ka soo gudbiyeen Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” wuxuuna u ballan qaaday inuu wax ka qaban doono.
Laakiin qoraalka ay soo gudbiyeen kuxigeenada Gobolka ayaa waxaa lagu cadeeyay Shaxda dhaqaale Gobolka Banaadir iyo sida uu Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” u bixiyo.
Taas oo Madaxweynaha la yaab ku noqotay in dhaqaalaha tirada badan iyo qaabka qaldan ee loo musuq maasuqo.
Waxay kaloo kuxigeenada Muungaab ka sheegteen muranka ka taagan dhulal fara badan oo Muungaab bixiyay waxayna sheegeen in si sahal ah lagu bixiyo dhulalka danta Guud.
Howlihii Maamulka Gobolka ayaa curuyaamay mana jirto wax shaqo ah oo hada socoto, wax walbana waxay gacanta u galeen Muungaab isagoo Xafiisyadii Gobolka ka dhigay guri isaga leeyahay oo sidii uu doono u Maamula.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here