SHAQAALIHII GOBOLKA BANAADIR oo quus ka taagan Maamul Xumada Muungaab, Dhaqaalihii Gobolka oo loo leexiyay dagaalka Degmada Warshiik iyo kuxigeenadiisa oo careysan

0
43

Guud ahaan iyo gaar ahaan shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa kala carar iyo kala tag soo wajahay maalmihii ugu dambeeyay markii Xaalada dhaqaale ku sii xumaatay, isla markaana muddo dhawr bilood ah wax mushaar ah ka qaadan Maamulka Guddoomiyaha ka yahay Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”
gobolka_1Wax mushaar ah ma aysan qaadanin muddo 5 bilood ka badan iyadoo dhaqaalaha Maamulka soo galaya kor u sii kaceen ayuu yiri mid ka mid ah shaqaalaha Gobolka Banaadir oo la hadlayay Newsomali.com.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C fitaax Cumar Xalane ayaa isna laga soo xigtay inay jirto dhaqaale xumo soo wajahday maamulka Gobolka Banaadir laakiin ma uusan sheegin halka ay ku baxaan dhaqaalaha joogtada ee Maamulka ka helo, Dekeddda iyo Garoonka Muqdisho, Gaadiidka gala Dekedda iyo cashuuraha laga qaado guriyaha iyo goobaha Ganacsiga.
Dhaqaalaha Gobolka soo gala waxaa ka mid ah lacagaha laga qaado shirkadaha waa weyn iyo hayádaha ajanabiga,sameynta Baasaboorada oo maamulka ka hela 30 Dollar halkii baasaboor hase yeeshe waxaa la aaminsan yahay in inta badan dhaqaalahaas gacanta u galo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”
In kastoo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” lagu eedeeyo inuu yahay aabihii Musuq Maasuqa iyo boobka hantida qaranka hadana ma jirto cid wax ka tiraahdo maamul xumadiisa.
Shaqaalihii Gobolka oo gaaja u dhimanaya ayaa lacagtii Gobolka waxay ku baxaysa Xaflado loo qabto Muungaab iyo dagaalka ka socda degmada Warshiikh oo jufada Muungaab qeyb ka tahay.
Muungaab iyo kuxigeenadiisa iskuma fiicana, hase yeeshe inay ka hadlaan hab dhaqanka Muungaab waxay uga baqayaan arrimo iyaga u gaar ah sidaas waxaa sheegay mid ka mid ah guddoomiyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir oo diiday sababo amaan dartood in magaciisa la sheego.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ogaal ayuu ku yahay wax kasta oo uu ku kacayo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” hase yeeshe waxaa uu ka fikirayaa inuu helo bedel ka wanaagsan Muungaab isagoo bilaabay inuu kala qiimeeyo Siyaasiyiin lagu bedelihi lahaa Muungaab oo maalmihiisa soo gaabanaya.
“In lacagtii Gobolka lagu tunto, loona adeegsado xaflado lagu amaano Muungaab, sidoo kale lacagtii Gobolka inta badan waxaa lagu bixinayaa dagaal beleed ka socda Shabeellaha dhexe gaar ahaan nawaaxiga Warshiikh kaas oo u dhaxeeya jufooyinka Bariisa Mantaan Abdulle iyo Xasan Gaab Celi ma aha wax la aqbali karo”ayuu yiri Cumar Abdulle Maxamed oo ka mid ah dadka sida aadka ah ula socda Siyaasadda Gobolka Banaadir iyo halka ay xaalada ka qasan tahay.
“Lacagta tirada badan ee Gobolka soo gala looguma adeego Shacabka, waxay ku baxdaa adeegyo u gaar ah Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”, marka maxay tahay sababta Madaxda Qaranka u eegayan xaalada noocaas ah ee Maamul xumada ah, waxay ila tahay in loo darsaday Guddoomiyihii Gobolka Tarsan”.
Dhinac kale duubabka dhaqanka beesha Muddulood Sida Malaaq Cali Malaaq Showri ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka in si deg deg ah wax loogu qabto Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”.
Hadaba halka hoose ka dhegayso hadalka duubka ee ka careysan hab dhaqanka Muungaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here