Sarkaal Booliska China ka tirsanaa oo Muqdisho lagu dilay oo meydkiisa la geeyay dalka China (Daawo Sawirada)

0
53

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Zhang Nan, ayaa ka tirsanaa Saraakiisha Booliska China ee ka hawlgala Safaaradda, ay sida ku meel gaarka ihi ugu lee yihiin Magaalada Muqdisho.
Diyaarad gaar ahayd oo waday meydka Sarkaalkan, ayaa fiidnimadii xalay waxay ka dejisay Garoonka Jinan Yaoqiang, waxaana Garoonka loogu garaacay Astaanka Qaranka China.

Diyaarad uu tirsigeydu ahaa China Southern Airlines CZ2002, ayaa albaabadeeda si qunyar ah loo furay, waxaana naxashkii uu meydkiisu ku jiray ka soo dejiyay illaa sideed askari. Naxashka ayaa ahaa mid dusha looga dahaaray Calanka China.

Zhang Nan, ayaa u geeriyooday dhiig bax, markii uu si xun ugu dhaawacmay weerarkii gaariga walxaha qarxa laga soo buuxiyay loo adeegsaday, laguna dhuftay Dhismaha Jazeera Hotel, oo ku dhow Garoonka Aadan Cadde.

Nan oo 28 jir ahaa, ayaa ku dhashay Degmada Wuqiao oo ka tirsan Gobolka Hebei, wuxuuna Ciidamada China ku biiray bishii December ee sanadkii 2004-ta.

Dowladda China waxay ballanqaaday inaanay xiri doonin Safaaradeeda Magaalada Muqdisho, waxayna cambaareysay weerarka ay masuuliyadiisu sheegteen Ururka Al Shabaab.
b11960c1 26efc474 30cf4a7a 58d0bdd9 794a2365 a806632d

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here