C/weli Gaas “Waxaan raadinaynaa Soomaali wanaagsan, Somalinimo midda hadda jirta ka wanaagsan”

0
42

C/weli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Maamulka Puntland, ayaa sheegay Puntland inay raadinayso Soomaali ka wanaagsan buu yiri Somalinimo midda hadda jirta ka wanaagsan.
IMG_4590“Waxaan raadinaynaa Soomaali wanaagsan, Somalinimo midda hadda jirta ka wanaagsan, ayay Puntland doon doonaysaa. Laakiin si loo helo Somalida cusub waxay u baahan tahay hogaan cusub.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

“Taas micnaheedu waxaa weeye waxaan rajeynaynaa Puntland-na ku dadaalaysaa, kana qayb qaadanaysaa in bisha August 2016, Soomaali ay hesho hogaan cusub oo ka mira dhaliya, kana turjumaaya himilada dadka Somaliyeed.
Micnaheeda waxaa weeye in cid maanta ku darsan karta xukun aysan jiri doonin ayaan rajeynayaa, taasna Puntland diyaar bay u tahay, wayna ku dagaalamaysaa, wayna ka qayb qaadanaysaa.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Wuxuu ku baaqay in dadka Somaliyeed ay isugu yimaadaan shir ay kaga arrinsanayan mustaqbalkooda, ka gadaal markii uu tilmaamay in laga leexday wanaaggii la raadinaayay, sida uu yiri.

“Waxaan ku baaqaynaa marka anagu haddaan reer Puntland nahay Soomaalina aan raadinayno, in ay Soomaali isugu timaado madal ay ku wada hadasho, Puntland-na diyaar bay u tahay inay martigeliso in mardambe Soomaali isu soo laabato, kana wada hadasho aayaheeda. Maadaama aad mooddo in wadadii dhabta ahayd laga leexday iyo wanaaggii la raadinaayay.” Ayuu yiri C/weli Maxamed Cali Gaas.

C/weli Gaas, ayaa hadalkiisa intaa ku daray “Puntland diyaar uma aha qorshe dan shakhsi ah laga lee yahay oo ku cabiran baahi hal qof amase koox.”

Gaas, ayaa hadalkan waxa uu xalay ka sheegay xaflad ka dhacday Madaxtooyada Puntland, laguna maamuusaayay 17 sano guurada ka soo wareegatay markii la aas aasay Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here