Shacabkii Magaalada Baardheere oo weli dib aan ugu soo noqon Magaaladaasi (DAAWO SAWIRADA)

0
59

Sawiro laga soo qaaday Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa muujinaya in Magaaladaasi weli ay tahay mid cidlo ah oo shacabkii Degmada Baardheere aysan dib ugu soo noqon Magaaladaasi.
fb9129c5 3a143cc2 a29f70cd eed68b3eTan iyo markii ciidamada Huwanta ay qabsadeen Magaalada shacabka waxa ay yihiin kuwa ka cabsi qaba hadii ay Magaalada dib ugu soo noqdaan inay dhacaan dagaalo Shabaab iyo ciidamadaasi u dhaxeeya, sidaasina dhibaato ay ku soo gaarto.

Dadka Magaalada Baardheere ayaa ka barakacay Magaaladaasi ka hor inta aysan ciidamada Huwanta qabsan Magaalada, balse barakaca ayaa sii siyaaday markii ciidamada ay ku dhawaadeen Magaaladaasi.

Magaalada Baardheere gudaheeda ayaa lagu arkayaa ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom iyo shacab aan sidaasi u badneyn oo qaarkood aqaladooda iyo goobahooda ganacsi ilaashanaya.

Saraakiisha ciidamada Dowladda ee gacanta ku haya Magaalada Baardheere ayaa dhowr mar waxa ay ugu baaqeen shacabkii Magaalada ka barakacay inay dib ugu soo noqdaan Magaaladaasi, balse weli ma muuqato shacab soo noqonaya.

Baardheere waxaa kala qaybiya Webiga Jubba oo dhex mara.waxaana Xaafadaha Baardheere ay kala yihiin Buulo Leesaan, Qalaaliyow, Ceelwaaq, Masaba, Kaskey, Bulsho, Buulo Kuulow iyo Kurmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here