Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland oo ku dhowaaqay qabashada doorashada Madaxweynaha Jubbaland

0
37

Kulan ay isugu yimaadeen ergo gaareysa 300 oo ruux laguna qabtay hoolka shirarka ee xarunta Ceymiska ee magaalada Kismaayo ayaa lagu ansixiyay dastuurka maamulka Jubbaland sidoo kale waxaa loogaga dhowaaqay xilliga la qabanayo doorasahada madaxtinimada Jubbaland.
7Kulankan oo ay ka qeybgaleen ergo gaaraysa 300 oo ka kala yimid saddexda Gobol ee maamulkaas ayaa cod buuxa ku ansixiyay dastuurka maamulka Jubbaland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Jubba Sheekh Cabdi oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in 15-ka Bishan Augusta oo 14 cisho kaliya ay inaga xigaan inay dhaceyso doorashada Madaxtinimada Maamulka Jubbaland.Sidoo kale guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland ayaa ku sheegay in berrito lagu dhowaaqi doono guddiga doorashada madaxtinimada Jubba.

Axmed Madoobe ayaa hogaamiye ka ah Maamulka Jubbaland, waxaana waqtigiisa uu ku eg yahay Bishan Augusta, maadaama xilkiisa uu ahaa labo sano oo KMG ah.

Ansixinta dastuurkan iyo ku dhowaaqista qabashada madaxtinimada Jubbaland ayaa ku soo beegmaysa waxka yar toddobaad kadib markii uu booqasho labo maalmood qaadatay uu ku tegey madaxweye Xasan Sheekh Maxamuud magaalada Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here