GEN MUUNGAAB OO dhabarka ka jabinaya Dib u heshiisiin laga dhex wado beelo ku dagaalamay degmada Warshiikh, Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo fara geliyay

0
62

Iyadoo ay socdaan dadaalo lagu doonayo in lagu xaliyo khilaafka ka gacan ku hadalka ee dhiiga ku daatay ee u dhaxeeya jufooyinka Xasan Gaab Celi iyo Bariise mantaan oo ka wada tirsan Celi Cumar iyo reer Mantaan ayaa wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho waxaa ay sheegayan in dadaaladaas uu dhabarka ka jabinayo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”.
IMG_95651Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa taageero hub iyo dhaqaale ku bixinaya dagaalka labada beelood ee ka dhacaya tuulooyinka ku dhaw dhaw degmada Warshiiq.
In kastoo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ku howlan yahay inuu xaliyo khilaafka labada beelood oo muddo soo taagnaa hadana hagar daamada hoos ka sii wada Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa halkeeda taagan.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa loo sheegay in Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” sabab u yahay in labada beelood heshiis ka gaari weysan yihiin khilaafkooda maadama uu isaga yahay waa Muungaab ninka maalgelinaya dagaalka isla markaana jufadiisa ku cadaadinaya inay dagaalka sii wadaan.
Magaalada Muqdisho oo si aad ah looga dareemay qalalaasaha ka taagan nawaaxiga degmada Warshiikh iyo kaalinta uu ku leeyahay Muungaab ayaa waxaa ugu badan ee la hadal haaya waxay tahay sababta Dowladda dhexe Soomaaliya u fiirsanayso in dhaqaalihii Gobolka Banaadir loo adeegsado dagaal sokeeye oo dhex mara labo beelood oo walaalo ah.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” waa nin weli maskaxdiisa ku jirta abaabulka dagaal beeleedyo iyo in laga dhex abuuro beelo walaalo ah dagaal si danihiisa ugu gaaro khilaafyadaas.
Odayaasha Beesha Mantaan Abdulle ayaa u gudbiyay Madaxweynaha soomaaliya dacwad ka dhan Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” waxayna ka codsadeen Madaxweynaha inuu si deg deg ah wax uga qabto falalka foosha xun ee Muungaab ku dhaqaaqay.
Dadaal kasta oo labada beelood lagu heshiisiinayo ma suuragalayo ilaa iyo inta Dowladda iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Muungaab cadaadis ku saaran inuu dagaalka dhankiisa ka joojiyo isla markaana la shaqeeyo dadka waan waanta ka dhex wada labada beelood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here