DUQA Muqdisho Muungaab oo xirxiray Ganacsato iyo odayaal ka soo jeeda Beesha Mataan Abdulle, Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu wargeliyay inuu Muungaab maalgelinayo… Magacyada dadka la xirxiray

0
38

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa xirxiray odayaal iyo ganacsato u dhashay Beesha Mantaan Abdulle isagoo boorka iska qarinaya isla markaana qiil u raadinaya dagaalka jufadiisa Xasan Gaab Celi kula jiraan jufada Bariisa Mantaan, howlgalkan dadka lagu soo xirxiray ayaa dhacay maalintii shalay.
FADEEXAD-MUNGAABSida ay sheegayan wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa u adeegsaday Ciidamada Nabad sugida Qaranka iyo Nabad sugidda Gobolka Banaadir inay soo xirxiraan dhowr xubnood oo beesha Mantaan Abdulle u dhashay kuwaas oo ay ku jiraan ganacsato iyo shaqsiyaad kale oo Muqdisho si weyn loogu yaqaano.

Dadka nabad sugidda xirxirtay oo Muungaab amarkiisa lagu xirxiray waxaa ka mid ah Maxamed Xasan Waranle ,Macalin Fanax,Xasan Diragtoor oo Garsoore kubadda Cagta Soomaaliya ahaan jiray haatan ah ganacsade.
Sidoo kale dadka ka baxsaday amarka Muungaab in lagu soo xiro waxaa ka mid ah Nabadoon Hadaafow oo Muqdisho ku dhuumanayo.
Sababta Muungaab dadka u soo xirxiray oo nabad sugida u adeegsaday ayaa waxay tahay kadib markii u dul qaaday waayay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” dacwad beesha Mantaan Abdulle u gudbiyeen Madaxda Dowladda oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka mid yahay, waxayna Muungaab ku eedeeyan inuu hub iyo rasaas siiyay maleeshiyada beeshiisa Xasan Gaab Celi oo degaanka Warshiiq kula dagaalamaya dad reer baadiyo ah oo u dhashay Bariisa Mantaan.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ugu yeeray Madaxtooyada Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” si uga wargeliyo inuu dagaalka joojiyo isla markaana labada beelood nabad iyo dib u heshiisiin laga dhex fuliyo hase yeeshe intii Madaxweynaha Muungaab la fadhiyay ayaa waxaa Madaxweynaha soo gaartay fariin ah in ninka hubka iyo rasaasta dhiibaya uu yahay Muungaab.
Fadeexada ugu daran ayaa waxay tahay markii dagaalka ku soo biireen maleeshiyaad kale oo Muungaab soo kireystay kuwaas oo gacan siinaya maleeshiyada Xasan Gaab Celi.
Dhaqaalihii Gobolka Banaadir ayuu Muungaab u wareejiyay inuu ku maalgeliyo dagaalka beeshiisa kula jirta beesha kale ee mantaan Abdulle, arrintasa oo hadda meel walba laga ogaaday isla markaana madaxda Dowladda Federaalka lagu cadaadinayo inay wax ka qabtaan dhaqanka foosha xun ee Muungaab ku kacay.
Nabad sugidda Gobolka Banaadir oo Muungaab ka amar qaadanayaan iyo mida Qaranka oo Tuur Yare ka amar qaadanayan ayaa baadi goob ugu jira inay soo xirxiraan cid kasta oo ay u arkaan inay ka damqatay dagaalka ka socda nawaaxiga degmada Warshiiq gaar ahaan dadka u dhashay beesha Mantaan Abdulle.
Tuulooyinka kala ah Muungaab iyo Gummaroow oo ka tirsan degmada Warshiikh ee gobalka Shabeelada Dhexe ayaa dhawaanahan waxaa ka socday dagaalo u dhexeeya maliishiyaad uu maal geliyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Muungaab iyo maleeshiyaad kale oo u dhashay jufada Bariisa Mantaan ,dagaaladan ayaa sababeen khasaaro nafeed iyo mid hantiyeedba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here