Dowladda Soomaaliya iyo USA oo gaaray Heshiis lagu tayeynayo Ciidamada Boliiska, Sawiro

0
30

Dawladda Soomaaliya iyo Dawladda Mareykanka ay ku Kala saxiixdeen heshiis iskaashi lacageed oo dhan 1.500.000 oo lagu tayeynaayo Ciidamada Boliiska, heshiiskaas oo maanta oo khamiis ah taariikhduna ay tahay 30=7=2015 ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Waxaana dhanka Dawladda Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Maaliyadda Maxamed Aadan Ibraahim, dhanka USA Ergeyga USA ee Soomaaliya Mr. Mcnaghty , Wuxuuna saxiixu Ka dhacay xarunta lagu qabanaayey shirka HPLF ee Airport KA, waxaana goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyed Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan iyo Wakiilka USA ee mashruuca la dagaallanka Maandooriyayaasha Mr Jim Striclind.
IMG_1206 3

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here