Korneyl Aadan Rufle oo sheegay Maamulka Jubbaland inaanu ka arrimin Gobolka Gedo oo Dowladdu ay ka arrimiso

0
46

Afhayeenka Ciidanka Xooga Dalka Ee Gobolka Gedo, Korneyl Aadan Axmed Xersi (Aadan Rufle), ayaa ku dhawaaqay dhammaan Degmooyinka Gobolka Gedo inay yihiin kuwo xor ah, gacantana ay ku hayso Dowladda Federalka Somaliya.
grbo-620x330Afhayeenka, ayaa tilmaamay in maalmahaanba uu shir saddex geesood ka soconaayay Degmada Baardheere, kaasoo ay lahaayen Maamulka Gobolka, Saraakiisha Ciidamada iyo bulshada ku dhaqan Degmadaasi.

Waxa uu ku dhawaaqay in shirkaasi laga soo saaray dhowr qodobo oo ku qotoma mustaqbalka Degmooyinka Gobolka Gedo, waxaana qodobadaasi ku cad in Gobolkaasi ay si buuxdo gacanta ugu hayso Dowladda.

1: Dhammaan Gobolka Gedo oo ah Gobolka Labaad ee Somaliya ugu weyn ahna Gobolka Laba Dowladood oo waaweyn deris la ah, Ciidamada iyo Maamulka Joogga dhammaantood inay yihiin Dowladda Dhexe Ee Federalka.

2: Inaysan jirin Gobolka Gedo cid u matalayso Dastuur samaynta Magaalada Kismaayo ka socoto ee loo dirsaday ama lagu ogyahay.

3: Laga bilaabo 1-da bisha soo socoto ee August oo ku beegan maalinta Sabtida in uu furan yahay Garoonka Degmada Baardheere iyo wadooyinka soo gala.

4= Ciidanka Jamhuuriyadda Somaliya oo caawinaaya Amisom inay sii wadaan la dagaalanka argagaxisada iyo hawlgaladooda, si ay xornimo u helaan dad cadiban, oo ku cadiban Gobolada Jubbooyinka & Gobolada Koonfureed. Sida Degmooyinka Bu’aale, Saakow Jilib, Jamaame iyo meelo kale oo ka baxsan.

5= Waa baaq ku loo dirayo Dowladda Dhexe dadka u matalayo Gobolka Gedo oo loogu baaqaayo in si deg deg ah uga soo qaybqaataan dib u dhiska iyo xasilinta Gobolka Gedo iyo Gobolada Jubbooyinka.

Korneyl Aadan Rufle, ayaa si rasmi ah u cadeeyay inaanu Maamulka Jubbaland ka arrimin Degmooyinka Gobolka Gedo, cidda gacanta ku haysana ay tahay Dowladda Federalka Somaliya.

Qodobadan, ayaa waxay ku soo beegmayan, xilli Magaalada Kismaayo uu ka soconaayo shir, kaasoo uu qasdigu yahay in lagu ansaxiyo Dastuurka Maamulka Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here