IS BAR BAR DHIGA Muungaab iyo Madaxihii Maxkmadaha Islaamiga, Aroos fara badan iyo dhaqaalihii oo la lunsado

0
90

Is barbar dhig lagu sameeyay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” iyo hogaamiyeyaashii Maxkamadihii Islaamiga ee 2006 dii la wareegay gacan ku haynta Magaalada Muqdisho ayaa waxay muujinaysa inay isku dhaqan iyo dareen yihiin meelo badan ay iska shabahaan.
Muuungaab_Wakaalada.SomaliaDib ugu noqo sheekadii madaxda Maxkamadihii islaamiga waxaa laga bartay 3 arrimood waxayna kala yihiin.

Guur ama aroos fara badan, waxaa la maqli jiray Sheekha nocaas ah afar ayuu marayaa iyo xalay buu aqal galay.
Lacag fara badan oo laga helay Dekedda Muqdisho meel ay jaan iyo cirib dhigtay lama yaqaano.
Dadkii oo baahi iyo macluul u dhimanayay iyo shaqaalaha Dekedda iyo garoomada oo dhaqaale xumo haystay iyadoo Bankiga Xawaaladii Global ka buuxday lacagtii Maxkamadaha ee laga soo ururiyay Dekeeda iyo Garoonka.
Hadaba Seddaxdaas arrimood waxaa la soo baxay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”
Guurkiisa oo batay, dhaqaale urursigiisa oo sii batay iyo boobka hantida qaranka oo ka hadalkeeda la iska dhaafay.
Muungaab waxaa laga soo wariyay inuu guursaday tan iyo markii loo magacabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ku dhawaad 30 haween ah haddiiba aysan ka badnayn tirada intaas.
Shaqaalaha Gobolka Banaadir oo gaajo iyo macluul u dhimanaya, ku dhawaad sanad ma aysan qaadan Mushaarkooda iyadoo weliba lacag fara badan laga helayo Cashuurta gaadiidka Dekedda, Garoonka Diyaaradaha, sameynta baasaboorada iyo Cashuurta laga qaado guriyaha Magaalada iyo baabuurta magaalada soo gasha.
Lacagahaas oo dhan waxay u leexanayan jeebka Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”
Mana jirto cid is weydiinaysa ama la xisaabtimi karta Muungaab , kuxigeenadiisa qaati ayay ka taagan yihiin hab dhaqankiisa iyo nidaamka uu wax u wado.
Wadada keliya ee lagu badbaadin karo mustaqbalka Maamulka Gobolka Banaadir waxaa waaye in la helo dariiq ka duwan midka maanta lagu soo magacabayo Maamulka Gobolka kaas oo ah in la helo Gole degaan oo soo doorta Guddoomiyaha Gobolka iyo Duqa Magaalada Muqdisho si markaas loo helo cid jagada ka qaadi karta una soo dooran karta Maamulka Gobolka, isla markaana la helo waddo lagu wada xisaabtimo.
Xal midkaas ka wanaagsan lama haayo, waana lagu daalay ku magacabis wareegto Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here