FASHILKA SIYAASAEED,Midka dhaqaale iyo Amnigii oo faraha ka baxay Yaa Ka Mas'uul ah, Kaalinta Madaxweyne Xasan Sheekh ku leeyahay

0
208

Waxaa su’aalo la iska weydiinaya halka uu ku sii socdo dalka iyadoo ay jiraan Jahwareer Siyaasadeed , Amnigii oo gacanta ka sii baxahaya, dhaqaalihii oo burburey, intaas oo dhan Ayada oo jirto ayeyna hadana jirin siyaasad muuqata oo wax looga qabanahayo halista faraha badan ee dalka ka taagan.

FASHILKA SIYAASAEED,Midka dhaqaale iyo Amnigii oo faraha ka baxay Yaa Ka Mas'uul ah, Kaalinta Madaxweyne Xasan Sheekh ku leeyahay
FASHILKA SIYAASAEED,Midka dhaqaale iyo Amnigii oo faraha ka baxay Yaa Ka Mas’uul ah, Kaalinta Madaxweyne Xasan Sheekh ku leeyahay

Cida dusha laga saaraya dib u dhaca ka jira dalka waxa waaye Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud oo wax walba isaga isku soo koobay, hase yeeshe waxaa sidoo kale curyaamay oo howlgab noqdeen sedexdii hay’adood ee laga rabey in ay wadanka hogaamiyaan.
Baarlamaanka oo laga doonayay inuu ilaaliyo Xukuumadda wuxuu u muuqda mid howshiisa marti ka noqday,Golihii Wasiirada oo isu bedelay fadhi ku dirir iyo Garsoorkii dalka oo shaqeynaynin.
Dadka ka faaloonaya Siyaasadda dalka Soomaaliya waxay leeyihiin Baarlamaankii, Xukuumaddii iyo Garsoorkii waxay u gacan galeen Madaxweynaha Soomaaliya, dhamaan waxay iska dhiiban xaruntii Madaxtooyada halkaas ayaa wax walba ka socdaan.
Amnigii dalka oo faraha ka baxay, la xisaabtimi la’aanta laamaha amniga sida Sirdoonka iyo hayádaha kale amniga waxay qeyb ka tahay fashilka dalka ka taagan.
Golihii Wasiirada oo waxqabadkooda ku soo koobmay shirka toddobaadkiiba mar la qabto iyo safaro dibadda loo aado waxay qeyb ka tahay niyad jabka laga soo sheegayo maamulka dalka.
Dhaqaalihii dalka oo meel hoose maraya, shaqaalihii dowladda oo dhowr bilood mushaar la’aan ah, haba sheegin mushaarka ciidamada sidaas oo ay tahay-na Dowladda waxay ka xishoonaysa inay cadeysato inay jiraan waddooyin badan oo lagu fashilmay.
4 Milyaan oo Dollar oo bishii ka soo xeroota Dekedda Muqdisho waxaa la is weydiinaya halka lagu bixiyo lacagtaas.
Fashilka Siyaasadeed, dhaqaale iyo Amni ee dalka ka jira waxaa uu horseedi karaa oo sii abuurimi kara inay xoogeystaan kooxaha xag-jirka ah maadama waxaa ay ugu badan ee kooxahaas ka faa’ideystan ay tahay saboolnimada iyo gaajada.
Dhaliilaha loo jeedinayo Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamud waxaa ka mid ah sida u wajahay siyaasadaha Maamul Goboleedyada dalka iyo habka aadka u la ciifsan ee Dowladaha sida tooska ah ula xiriira Maamul Goboleedyada dalka ka jira oo qaarkood hub siiya maamul Goboleedyada iyo nidaamka Federaalka oo si qaldan loo wajahay.
20% ayaa lagu qiyaasaya taageerada dadka Soomaalida u haayan Xukuumadda Madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamud haddiiba aysan ka hoos maraynin tirada aan soo sheegnay, inta badan dadka soomaaliyed aad iyo aad ayay uga niyad jabeen Madaxweyne Xasan.
Iyadoo muddo sanad ah ka harsan tahay waqtigii Madaxweynimo ee Madaxweyne Xasan Sheekh ama sharci ahaanshaha Dowladda iyo Baarlamaanka sida ay hadda wax ku socdaan miyaa lagu gaari doonaa mise waxaa imaan doono is bedelo yar yar oo nafta ku celiya Dowladda.
Guuxa Siyaasadeed ayaa waxaa uu yahay in Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ku fikirayaan inay sameeyan isku shaandheyn Golaha Wasiirada, waxaana la aaminsan yahay in wejiyo hore ee ku jiray Xukuumaddii Ra’iisal Wasaarihii hore Cabdiweli Sheekh Axmed ee Baarlamaanka eriyeen ku soo laaban doonaan Golaha Wasiirada Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid.
Taas xataa ma badbaadin karto Xukuumadan mar haddii Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadan uu yahay nin awood badan lahayn oo Yes Man ah.

Waddooyinka Siyaasadeed ee furan in la maro ayaa waxay tahay in is bedel lagu sameeya laamaha amniga sida Laanta Sirdoonka oo inta badan dhaliilo loo jeedinayo, is bedel siyaasadeed oo Madaxweyne Xasan Sheekh la yimaada, dhaqaalaha Dowladda soo gala oo lagu bixiyo sida waafaqsan sharciga Dowladnimo, dib u eegis dhaqaale iyo xiriirka caalamka lala leeyahay oo la saxo waxay keeni kartaa in iftiin yar soo baxo kaas oo lagu gaari karo dowladnimo macquul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here