Soomaaliya Waa iib (Beec) Kala Xiriir Oo ha Moogaan, Maamulka Puntland iyo Hawl-wadeenkooda Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas

0
83

Taariikhdu waa dhaxalka kaliya ee u hara jiil kasta ee soo barbaaraya ama ay ku jid maraan ubaxii berri dalka hogaamin lahaa, ismana badasho oo iyadaa is xusta taariikhda, mana duuggowdo oo inta maanka fiyoowna wey ku dadaalaan in ay wehel ka dhigtaan, taariikhda ku cad ama ku xusan run iyo riyo aan dhalanteed aheyn.

Soomaaliya Waa iib (Beec) Kala Xiriir Oo ha Moogaan, Maamulka Puntland iyo Hawl-wadeenkooda Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas
Soomaaliya Waa iib (Beec) Kala Xiriir Oo ha Moogaan, Maamulka Puntland iyo Hawl-wadeenkooda Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas

Waayadanba dadku waxey isweydiiyaan, maxaa isu keenay C/weli Gaas hogaamiyaha maamulka Puntland iyo Axmed Madoobe hogaamiyaha Maamulka Jubbooyinka ee awoodda ku yimid mansabka iyo hormuudnimada dowlada kenya ee qowlaysatada ah ee aan ku imaan afti dadweyne Federaalism ah. C/weli Maxamed Cali Gaas, wuxuu qabsatay waayadanba webside-yada iyo idaacadaha lokalka oo dhan.

Waxaan rabaa inta aan u guda gelin Cinwaanka maqaalkeyga iyo Gacan yare Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe, in aan aan halkaan ka cadeeyo, C/weli Gaas oo qura ma waalnee Puntland oo dhan ayaa wada waalan gaar ahaan ilmo Maxamuud Saleebaan, ninkii ku farxi lahaa ama ka caroon lahaa heerka ay siyaasadda Dalka ka joogaan reer Puntland, waxaa sababteeda leh Gumeystihii Talyaaniga, oo ay heshiishyo xaaran ah wada galeen, ka hor intaanuu Talyaanigu soo caga dhigan Ciidda iyo Dhulka Jamhuuriyadii Soomaaliya. Balse maxaa dhacay ka gadaal.

Puntland (Majeerteeniya) waa qabiil soomaaliyeed, wuxuu mansabkiisu galaa, Beesha Daarood, gaar ahaan, Harti Daarood, Marka majeerteen la yiraahdana Saddexda ilmo Maxamuud Saleebaan waa kuwa ugu sii daran waa jufooyin u taagan Sadbuursi hadii taa la waayana, dalka jecel in uu Maxmiyad Galo, ayagana loo soo maro oo mas’uul loogaga dhigo inta gacanta laga maamulo oo soomaali weyn ah.

Waxaa gacanta u galay berri hore oo ay ka samri la yihiin, dhaqaalihii dalka iyo xukunkii soomaaliya 50% in ku dhow, Dowladii Gumeysiga Talyaaniga markey qaybsaneysay dhulka Koofurta Soomaaliya waxey heshiishyo xaaraan ah la gashay, Ninkii la baxay Boqor Cismaan Maxamuud oo saldhigiisu ahaa, Boosaaso dabayaaqadii 1889-kii iyo ninkii ka soo falaagoobay ee asiguna la baxay Suldaan Yuusuf Cali Keenadiid una soo baqoolay dhankaa iyo Mudug. Heshiiskaasi wuxuu dhigayey, in Puntland (Mj) gacan ka siiyaan Talyaanigu in ay gacanta ku dhigaan, qabaa’ilka kale ee Soomaaliyeed, kadibna ay abaal marin u siin doonto awoodda hoose ee hogaanka Dalka. Heshiiskaasi markuu fulay maxaa xigay oo ka dhacay dalkii Jamhuuriyaddii Soomaaliya, ka hor intaan xuriyadda la qaadan iyo markii la qaatay xuriyaddii soomaali weynba.

Gumeystihii Talyaanigu markuu hubsaday in uu ku Guuleystay gacan ku heyntii Koofurta dalkana la wareegay, wuxuu abaal marin u siiyey Puntland (Mj) in uu ka dhigay qabiilka ugu sareeya qabaa’ilada kale ee soomaaliyeed, wuxuuna u dhiibay xilalka markaa ugu badnaa ee ay in ay soomaalidu qabato. Marka laga soo tago awooddii Gumeystaha, waxey noqdeen awoodda labaad ee soomaali italy ee ku xigtay dadkii Talyaaniga, mar qura waxaa gacanta u galay Maamulkii Hoose ee Soomaaliya.

Hankii Siyaasadeed ee Puntland (Mj) wuxuu ku guuleystay in uu gacan ku dhigo maamulkii Talyaanigu ee Qaramada Midoobay u igmadeen in ay soomaaliya Gobanimo gaarsiyaan mudo 10 sanadood ah. Waxaa misane gacanta u galay wakiilkii Q.M. Kamaal-diin oo ahaa nin Masriya, ayaga oo ku beer laxowsaday in ay yihiin Carab inta kale ee soomaaliyeedna ay yihiin afrikaan u midab ek ee ku dhex nool.

Kamaal-diin wuxuu ka hirgeliyey dhulka Puntland (Mj) madaariis lagu baranayo afka Carabiga, xamarna wuxuu ka furay dugsigii Sare ee Allaahiga, dadka ka farcamay ee wax ku baranayeyna waxaa laga dhigay dadka ka soo jeedaa Puntland (Mj) Dowladii talyaanigu iyaduna dadaal ka badan kan Kamaal diin ayey wadatay waxey u soo jeediyeen dadka reer Puntland (Mj) in ay soomaaliya gobolada degmooyinka leh ay aad ugu firxadaan, marka la gaaro 1960-ka ee somaaliya Gobanimo hesho iyo dowlad calan leh, Q.M. ay aqoonsato dowlad Soomaaliyeed in ay heli doonaan kuraasta Baarlamaanka ugu badan ee ka soo xarooda degmooyin badan oo gobolo badan ka tirsanaa.

Talyaanigu wuxuu u diyaariyey oo waxbarasho dibada u qaaday halkaa qabiil ee soomaaliyeed si ay talada dalka ula wareegan hogaankiisa marka la gaaro 1960. Dadka reer Puntland (Mj) ay noqdaan dad u adeega danaha Gumeystaha, markastana kala dhantaala waxaa loogu yeero Midnimo soomaaliyeed, Inta lagu guda jiray 10-kii sanadood ee Gobanimo Gaarsiinta, Talyaanigu wuxuu u fududeeyey in ay gacanta ku dhigaan awoodda dalka in ku dhow 70% Talada iyo hogaanka Booliska 80%, waxey la wareegeen dhul beereedkii iyo magaalada Kismaayo ayaga oo ula baxay xiligaa Allabaama State, ayaga oo boob hantiyeed oo dad masaakiina ka barakiciyey ayaga oo adeegsanaya awooda Talyaanigu ku lahaa dalka, dhismayaashii centerka magaaladana inta badan gacantoodu soo gashay ee qadiimigia ahaa, wuxuu kaloo Talyaanigu u fududeeyey in ay ka faaäideystaan, Baankii Credito De Somalo oo gacantooda kaliya ay amaahda ku heli jireen.

Gumeystuhu intaa oo qura kuma ekaane, markuu ogaaday in ay soo dhowdahay 10-kii sanno ee Gobanimo gaarsiinta, wuxuu durbadiiba bilaabay in uu ku wareejiyo dadka reer Puntland (Mj) Dhismayaashii iyo Beerihii uu xoogga ku heystay gumeystuhu, si ay ugu fududaato in ay helaan awood dhaqaale iyo mid xukun cid la miisaan ahna la waayo, halkaana uu Talyaaniga daaha gadaashisa ka maamulo, ayaga oo soo barbaariyey arday leh, maqaam iyo suurad soomaali, af iyo diin kula mida balse hankoodu ahaa, jidkii talyaani idiin falay mara hadaaad weysaana Gumeysi ku celiya jamh. Soomaali weyn.

Hadaba maxaa dhacay ka gadaal 1960 oo ay soomaaliya noqotay dowlad xor ah oo madax banaan, dadka reer Puntland, waxey ahayeen quwada kaliya ee lahaa han siyaasadeed iyo mid dhaqaaale oo xad dhaafa, waxaana ka soo shaqeyey Gumeystihii in dalka Jamhuhuriyada ay ku yeeshaan shisheeye kalkaal u adeega uguna adeega dano guracan aan soomaalinimo iyo islaanimo ku dheehneyn taasoo ilaa waqtigani taagan bulshaduna ay ku soo baraarugeyso.

Baarlamaankii koonfurta ee 60kii waxay degmooyinkii yar yaraa ee Talyaanigu
u qorshayey in ay ku helaan kurastii u gooyeen 33%. kuraasta guud ee Soomaliya oo ka koobnaa 60 markii danbana ay ka dhigeen 90 kursi. Kursiga xubin Baarlamaan ee reer Puntland (Mj) waxuu joogay 70-100 cod halka u kursiga dadka kale uu joogay 1000-2000 oo cod. Waxaa kale oo ay ku guulaysteen in ay gacanta ku dhigaan ciidanka Booliiska, markaa ma jirin ciidan militari soomaaliya oo dhanba ay laheyd.

Waxay qorsheeyeen sidii ay awooda dalka gacanta ugu dhigi lahaayeen iyo
sidii ayna uga bixi lahayn waligeed.waxay qorsheeyeen kuna guulaysteen in maamulka dalka 50% ay qayb u qataan 50% kalaana in ay ka shaqeeyaan siidi ay wax uga heli lahaayeen. Waxay ka shaqayeen in dalku qaato habka dowladnimo ee dalka Talyaaniga oo ah habka (Parliamentary System), habkaas oo ay fulinta dowladu leeday Madaxweyne maamuus iyo Raa’isal wasaare fulineed. Marka waxay qorshayeen sidii ay u qaadan lahayeen Raa’isal wasaaraha awood leh, waanay ku guulaysteen Waxay noqdeen Beesha kaliya ee leh aqlabiyad balaaran ee baarlamaanka ah, Raa’isal wasaare iyo talladi ciidanka Booliiska, waa quwad aan la horjoogsan karin.Markii reer Soomaliland yirahdeen midnimo bilaa shuuruud ah dadka reer Puntland (Mj) farxad iyo filanshawaa ayay ku noqotay.

Siyaasiyiin reer koonfured ah oo waxa jiray damiir leh oo danaynayay niyad waanaga reer Soomaliland ee ku fakaray in si xaq ah loo qaybiyo awooda dalka mar haddii ay reer Soomaliland xilkii dusha ka saareen reer Soomaliya, oo soo jeediyay in wax loo qaybsado sidii laba dal, oo uu midna qato madaxweynaha midna qaato RaaisaL wasaaraha dalka. Markiiba waxa ka howlgalay siyaasiyiintii reer Puntland (Mj) si aanay arintaasi u dhicin. Waana meesha xuquuqdii reer Soomaalilaan lagu duudsiiyey maantana ay koofur oo dhan u eedeysan tahay.

Inta u dhaxeysay sanadihii 1960-1969, waa waqti fursado dahabiya u ahaa, reer Puntland balse cadaalada marka loo soo laabto u ahaa soomaali weyn, caddaalad darro iyo sadbuursi masiirkii ummadeed beel u gacan galay welina ay doonayaan sidii uun, balse aaney ku baraarugsaneyn in ummadii shalay iyo tan maanta isku shaqo aheyn, xaqiina uu feeraha ka dilaacay beri hore. Reer Soomaalilaan iyo Soomaaliyana dareen fog ku wada jiro iyo in cadaalad lahelo.

Waxaa soo maray reer Puntland (Mj) inta udhaxeysay 1960 -1967-dii waxay lahaayeen Shan Wasiir oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha gudaha iyo Taliyaha ciidanka Boliiska iyo Raysal Wasaaraha. Sanadihii 1967-69, waxay lahayeen 5 Wasiir oo uu ka mid yahay Wasiirka arrimaha gudaha
iyo Madaxweynaha.

Gumeystaha markuu ku hungoobay cid aan aheyn Mj in aaney jirin oo iibsan kartaahi dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya, soomaalida degan koonfur inteeda kalena ay yihiin muwaadiniin aaminsan, soomaali weyn, iyo in aan calanka iyo Dhulka iyo Badda jamhuuriyadda beec gelin, waa tan keentay in heshiishyo xaaraan ah la soo galo boqor ku sheegii Cismaan Maxamuud iyo Suldaan ku sheegii Cali Yuusuf Keenadiid, oo ummada soomaaliyed ceelkii ay ku rideen ay weli dhex ceeygaagan, ayaga oo hankoodu yahay, sidaad rabtaan hadaad weysaan, Kenya iyo Eithiopia ka iibiya baddaha iyo ciidda qeyraadku ka buuxo.

Waqtigaa waxaa ka hor imaanayey siyaasiyiin, Culumaa’udiin iyo wax garad ka soo jeeda koofurta soomaaliya, ee og qayaanada talyaaniga iyo Mj ku heshiiyeen, Halgankii Ururkii SYL uu la kulmaayey hagardaamooyin badan oo dhanka Mj ka imaanayey ayaga oo u adeegayey cadowga ummada soomaaliyeed, waana tan keentay in ururkii Syl kala jabo. Waxaa furmay xisbigii Lego dei Giovani Somalo (Liberale) uuna hogaaminayey allaha u naxaristee Xaaji Maxamuud Maxamed Baraako, xisbigaani cusub wuxuu kulmiyey soomaalida koofur oo dhan Mj maahine oo ay ku weyneyn soomaalinimada.

Nasiib xumo ma dhicin inta wanaaga jecel in ay ummada u soo hormaraan, iyada oo markastaahi socotay hagardaamo uu dhaqaale badana ku bixinayey Gumeystihii dalka la dagay, Siyaasiyintii reer Soomaalilaana waxaa lagu sabir siiyey Guddoomiye baarlamaan, 1960-1964 oo ahaa Jaamac C/laahi Khaalib.

Puntland maanta waxey galeen booskii Talyaaniga, waxey seminaaro siisaa maamulka Jubbooyinka, si loo baro khiyaanada, wax isdaba marinta iyo iibinta dhulka iyo badda Soomaaliweyn. Wax ka baro waqtiga iyo waayaha maanta aynu joogno. In soomaali kala tagto kala irdhowdo waa sababtaa in talyaanigu fidno noogaga tagay, Federalism-kii soomaali diidaneyn waa kaa maantana ayagii baa ka cabaadaya, shalayna noo soo hindisay, balse xaq daradii gumeystaha ka tagay mudada dheer la soo naas nuujinayey ayaa sii baaba’aya waana galad eebbe in maantu umaddu ka faham dheer tahay shalay ,ka aqoon badan tahay shalay, ka hanti badan tahay shalay, ka waaya aragsan tahay shalay. Nin lagu seexdoow ha seexan!!!! Ilmo Maxamuud Saleeban waa cudur dilaa ah u baahan in ummada soomaaliweyn laga karantiilo..

Waxaan ku boorin lahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, dhibaatadii dadka reer Soomaalilaan ku dhacday iyo dadka koonfur inteeda kale ku dhacday meesha ugu haboon ee wax lagaga dhaqi karo in aad abaartaan, ayadoon soomaali lakala jarin cadaaladdana aad u hiilisan maantad fursadi heysataane, 100 sanno ama hal qarni dhibaatada na heysato ee talyaanigu na geliyey una soo maray reer Puntland (Mj) weli waa ay taagan tahay.

WABILLAAHI TOWFIIQ

W/Q: Ilyaas Xariirshe

Ilyaas81@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here