SIRDOONKA Soomaaliya oo Fashilmay, Is bedel hogaanka oo loo baahan yahay, Tuur Yare Tubta waa kuu furan tahay iska bax

0
47

Cidna Daah kama saarna in Laanta Sirdoonka Soomaaliya ay ku fashilantay inay ka hortagto weerarada qorsheysan ee kooxda mayalka adag ee al shabaab la beegsanayan goobaha muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho, in kastoo dhibaatadaas oo dhan wada saameyn karto laamaha amaanka hadana waxaa si gaar ah farta loogu fiiqaya Taliyaha Laanta Sirdoonka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare.

Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare Madaxa Sirdoonka Soomaaliya oo fashilmay
Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare Madaxa Sirdoonka Soomaaliya oo fashilmay

Isaga ayaa dusha u ridan karta cilad kasta oo ku dhacda howlgalada laamaha Sirdoonka ee Soomaaliya bacdama sida hadda wax u socdaan aysan ku qanacsanayn dadka Soomaaliyed.
Guddiga nabadgalayda Baarlamaanka Soomaaliya waxaa horyaala su’aalo badan oo ku saabsan sababta loola xisaabtimi waayay Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare Madaxa Sirdoonka Soomaaliya, maxaa u diiday Baarlamaanka inay si deg deg ah ugu yeeran ninkan isla markaana su’aalo ugu weydiiyan sababta loogu hortagi waayay falalka ay ku kacayaan al shabaab.
Sirdoonka Soomaaliya waa hay’adda keliya ee laamaha amaanka ka tirsan oo hesha dhaqaalaha ugu badan, waxaana lagu qiyaasaya lacag 2 Milyan ku dhaw in Laamaha Sirdoonka ay helaan bil walba hase yeeshe waxaa la is weydiinaya halka ay ku baxdo lacagtaas iyo sababta laanta sirdoonka si adag ugu shaqeyn weysan tahay mar haddii ay helaan dhaqaalihii loo baahnaa.
Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare, shaqadiisa oo dhan waxaa uu ku soo kaabay inuu safaro gobolada dalka u raaco Madaxweyne Xasan Sheekh, Hotelada Muqdisho iyo waxaa ku dhamaan weysan yahay Madaxtooyada halkii uu ugu shaqeyn lahaa qaranka si ka badan intii loogu baahnaa.
Ma jirto fal ama qatar laanta sirdoonka Soomaaliya ka hortagtay marka laga reebo wiilal xaafadaha muqdisho laga soo qabtay iyo baabuur miino ku xiran oo iyada nafteeda la aaminsan yahay in Sirdoonka ay soo abaabulaan sheekooyinka noocaas ah.
Dadka ka faalooda arrimaha amniga iyo shaqooyinka Sirdoonka waxa ay sheegayan in waayo aragnimo la’aanta madaxda Sirdoonka ay sabab u tahay fashilaadka tirada badan.
Sidoo kale dadka qaarkiis waxaa ay leeyihiin waxaa la gaaray waqtigii ugu yaraan is bedel la sameyn lahaa maadama shaqadii laanta Sirdoonka gabaabsi noqotay.
Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare, in albaabada loo furo waxay horseedi kartaa in is bedel wanaagsan oo dhinac amniga ku yimaada soomaaliya, waana wadada keliya ee lagu badbaadin karo sumcada laanta sirdoonka soomaaliya oo beryahan shaqo ka dhigatay inay soo xeraan cid alla ciddii wax ka sheegta madaxweyne Xasan Sheekh, halkii ay wax ka qaban lahayd khatarta al shabaab oo ugu dambeeyay weerarkii maalintii shalay la beegsadeen Hotelka Jasiira ee Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here