Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Kismaayo

0
32

Madaxweynaha dowladda faderaalka ah ee Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow oo maanta waxaa uu tagay magaalada xeebta ku taala ee Kismaayo halkaas oo saldhig u ah Maamul Goboleedka Jubbaland.
8Ujeedka ugu weyn ee booqashadan waxaa lugu sheegay madaxweyne Xasan inuu doonayo maamulka Jubbaland inuu ku qanciyo ka qayb-galka shirka wada-tashiga dowladda faderaalka iyo maamullada xubnaha ka ah ee Muqdisho ka dhacaya marka la gaaro dhammaadka bishan.

“Madaxweynaha waxuu tagaya Kismaayo,ujeedkana waxaa weeye sidii uu madaxda Jubbaland ugala hadli lahaa ka qayb-galka shirka wada-tashiga ah ee ka dhacaya Muqdisho,”sida waxaa sheegay guddoomiye ku xigeenka guddi-hoosaadka arrimaha bulshada baarlamaanka federaalka Soomaaliya, mudane Axmed Aabi.

Maamulka Jubbaland waxuu sheegay inuu xiriirka u jaray dowladda faderaalka ah,lamana saadalin karo safarka madaxweyne Xasan inuu wax ka badalo khilafka.

Jubbaland waxaa ay ka carootay diidmada baarlamaanka faderaalka ee qabka loo maray dhismaha baarlamaanka Jubbaland,balse xilligan madaxweynaha dowladda faderaalka ayaa doonaya Jubbaland inay ka qayb-gasho shirka wada-tashiga ee ka dhacaya Muqdisho.

Wada-tashiga dowladda faderaalka iyo maamullada dalka ee kala ah,Puntland,Jubbaland iyo maamulka Koonfur-galbeed waa mid lugu falan-qeeyo xaaladda dalka iyo tabashadda maamullada ee dowladda dhexe.
Qorshaha waxuu yahay marka la gaaro [29 July 2015] oo ay maalmo ka dhiman-yihiin shirka wada-tashiga ah inuu ka dhaco Muqdisho,balse ka hor waxaa laga doonaya dowladda faderaalka inay ku qanciso Jubbaland iyo Puntland shirka inay ka soo qayb-galaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here