Gen Muungaab oo ku lug yeeshay dagaal beeleed ja dhacay duleedka degmada Warsheekh, Jufadiisa oo hub iyo rasaas ugu deeqay

0
85

Guddoomiyaha gobolka Banaadi ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa ku lug yeeshay dagaak beeleed ka dhacay degaano ku dhow degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha dhexe, dagaalkaas oo u dhaxeeya jufooyin ka kala tirsan beelaha Mantaan iyo Beesha Celi Cumar.
DSC01982-600x450Sida ay sheegayan wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho waxgaradka beesha Beesha Celi Cumar ayaa waxay ku eedeeyan Guddoomiyaha gobolka Banaadi ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” inuu hub iyo rasaas ugu deeqay maleeshiyaadka Jufada Xasan Gaab Celi oo uu isaga ka soo jeeda isla markaana dagaal kula jira jufada Bariisa Mantaan.
Ugu yaraan dad gaaraya 10 qof ayaa la sheegaya in dagaal beeleedkaas ku dhinteen tiro kalena ay ku dhaawacmeen.
Malaaq Cali Malaaq Colow Malaaq Showri ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka isla markaana dadka walaalaha ah ka wada shaqeeyan nabadgalyada hase yeeshe waxaa uu ku eedeeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Muungaab inuu mas”uul ka yahay dagaalka labada jufo isla markaana taageerayo maleeshiyada jufada Xasan Gaab Celi oo Muungaab u dhashay.
Maamulka Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa ku howlan sidii u joojin lahaa gacan ku hadalka labada beelood oo dhowr jeer hore u dagaalamay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here