Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda weerarka Hotel Jazeera, xilli 10 qof ay ku dhimatay, Sawirada Qaraxa

0
28

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay qarax aad u culus oo galabta lagu weeraray Hotelka Jazeera ee Magaalada Muqdisho oo ku yaallo agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Qarax weyn oo lagu weeraray Jazeera Hotel ee Magaalada Muqdisho
Qarax weyn oo lagu weeraray Jazeera Hotel ee Magaalada Muqdisho

Afhayeenka Guud ee Ururka Al Shabaab, Cali Maxamuud Raage Cali Dheere, ayaa Warbaahinta Al Shabaab u sheegay in masuuliyada qaraxaasi ay iyagu lee yihiin, waxaana uu sheegay in gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ay la eegteen Hotelkaasi.

Sababta ay u beegsadeen Hotelka ayaa Cali Dheere wuxuu ku sheegay inay degan yihiin Hotelkaasi Xubno Dowladda ka tirsan iyo Saraakiil Cadaan ah oo uu sheegay inay maalgeliyeen weeraradii ugu dambeeyay ee Shabaabka looga qabsaday deegaano ka tirsan Koonfurta Somaliya.
qaraxa-1 qaraxa-2

Hotelka Jazeera oo ah mid amnigiisa si weyn loo ilaaliyo ayaa lagu dhuftay baabuurkaan waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, waxaana taasi ay keentay inuu ka dhasho khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.

Muuqaalo laga soo qaaday Hoteelka Jazeera ee Magaalada Muqdisho, ayaa muujinaaya Dhismaha Hotelka oo burbur aad u xoogan uu ka soo gaaray qaraxa.

Xaaladda Hotelka Jazeera, ayaa iminka ah mid aad u kacsan, waxaana xusid mudan in Hotelkaasi ay degan yihiin Masuuliyiin Dowladda Somaliya ka tirsan iyo dad kaloo ajaaniib ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here