Obama oo xalay hotelka uu ka degan yahay Nairobi casho ugu sameeyay qoyskiisa (Sawirro)

0
37

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa xalay qoyskiisa waxaa uu casho sharaf ugu sameeyay hotelka uu ka degan yahay magaalada Nairobi.

Obama oo ay dhinac fadhiyeen walaashiis ay isku aabaha yihiin ee Auma Obama iyo ayeeyadii Mama Sarah, waana uu dhoola cadeynayay.

Madaxweyne Obama ayaa markii uu ka soo degayay garoonka diyaaradaha ee Joma Kenyatta waxaa uu xabadka saaray walaashiis ka weyn, taasoo laga dareemayay farxada aad u sareysay.

Casha sharafta ayaa waxaa ku dhanaa kaliya qoyska reer Obama ee Kenyanka ah, ma jirin wax mas’uul ah, waxaa uu u xog wareysanayay mid ka mid.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa maanta lagu wadaa inuu furo shirka hal abuurka ganacsi, waxaana uu ka jeedin doonaa khudbad uu ku dhiira gelinayo ganacsatada dhalinta yar ee Kenya.

Obama ayaa la filayaa inuu booqdo taalo loo dhisay dadkii ku dhintay qaraxyadii safaarada Mareykanka ee Nairobi sanadkii 1998

Mr. Obama wuxuu intaa ka dib booqan doonaa taallo loo dhisay dadkii ku dhintay qaraxii lagu weeraray safaaraddii uu Maraykanku ku lahaa Nairobi, halkaasoo ay ku dhinteen illaa 200 oo ruux.

Waxaa uu la kulmi doonaa Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ay yeelan doonaan wada hadalo laba geesood ah, kuwaasoo diiradda lagu saari doono, amniga gobolka, iyo khatarta kooxda Al Shabaab.

Obama ayaa lagu wadaa in maalinta berri uu garoonka Kazarani kula hadlo dadka reer Kenya, waxaana uu u gudbi doonaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, isagoo noqon doona Madaxweynihii u horeeyay ee Mareykan ah oo booqda dalka Itoobiya.

Ammaanka magaalada Nairobi ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaa mudada uu joogayo Kenya loo xiray wadooyin muhiim ah, sidoo kale ammaankiisa ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya ciidamo Mareykan ah oo shalay la wareegay garoonka Joma Kenyatta iyo meelo kale.
4 1 2 3

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here