Taliyaha Boliiska Maxamed Sheekh Xasan oo la kulmay Jaaliyadda Soomaalida Uk, Daawo Sawirada

0
167

Taliyaha Ciidamada Boliiska Soomaaliya Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo maalmahan safar shaqo ku joogay Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa la kulmay Jaaliyadda Soomaalida ee Uk, isagoo kala hadlay xaalada nabadgalyada ee dalka soomaaliya iyo kaalinta bulshada ka qaadan karto sugida nabadgalyada.
Munaasabadan oo ay ka soo qeybgaleen dad magac ku leh bulshada soomaalida oo uu ka mid yahay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen oo loo yaqaano Nuur Cadde ayaa Gen Maxamed Sheekh hadal uu halkaas ka jeediyay waxaa uu ku dheeraaday muhiimada ay leedahay in laga wada shaqeeyo amaanka iyo nabadgalyada dalka, kaalinta Boliiska iyo sidii ay isku aamini lahaayan Boliiska iyo Shacabka.
“Muhiim ayay ii tahay fursadan inaan kula hadlo jaaliyadda soomaalida ee Uk, aad iyo aad ayaana idinkaga mahad celinayaa sida qiimaha leh ee aad ii soo dhaweysan”ayuu hadalkiisa ku bilaabay Gen Maxamed Sheekh.
Intaas kadib Generaalka ayaa waxaa uu warbixin ka siiyay Jaaliyadda qorshaha nabadgalyada ee ka socda dalka iyo kaalinta boliiska ka qaadanayo sugida amaanka.
Sidoo kale waxaa uu ka sheekeeyay sida loo dhisayo Kalsoonida ka dhaxeysa Boliiska iyo dadweynaha,wuxuuna sheegay in mar walba uu ku howlan yahay isku xirka boliiska iyo bulshada, haddii aysan jirin isku xirnaansho labada dhinac ay adag tahay in amaanka laga shaqeeyo.
“Bulshada ama dadweynaha la’aantood cidna amaan ma sugi karto, maxaa yeelay dadweynaha ayaa laga doonaya inay ciidamada amaanka la shaqeeyan oo ay ku soo wargeliyan kuwa falalka amaan daro ka shaqeeya”ayuu yiri Gen Maxamed Sheekh Xasan.
Si kastaba dadkii xafladaas ka soo qeybgalay ayaa si aad ah ula dhacay qorshaha Taliyaha Boliiska Soomaaliyed ee ku aadan in amaanka caasimadda Muqdisho lagu soo celiyo iyo qorshaha kale ee ah in Ciidamada Boliiska Soomaaliyed bilaa xuduud la’aan ka howlgalaan dalka oo dhan.
BH0A0352 1 2 BH0A0272 BH0A0274 BH0A0276 BH0A0278 BH0A0279 BH0A0280 BH0A0281 BH0A0291 BH0A0293 BH0A0294 BH0A0304 BH0A0305 BH0A0308 BH0A0309 BH0A0310 BH0A0312 BH0A0314 BH0A0316 BH0A0320 BH0A0324 BH0A0331 BH0A0336 BH0A0337 BH0A0338 BH0A0339 BH0A0340 BH0A0350

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here