Al-Shabaab oo isaga baxday Diinsoor iyo Ciidamada huwanta oo caawa ku hoyanaya duleedkeeda

0
35

Al-Shabaab ayaa isaga baxday degmada Diinsoor ee gobolka Bay, halkaasoo ka mid aheyd degmooyinkii ay aadka ugu xooganayeen, iyadoo Ciidamada huwanta ay caawa ku hoyanayaan meel 5-KM u jirta degmada.

Sida ay sheegayaan wararka ciidamada huwanta ayaa maalmihii la soo dhaafay waxay guluf ugu jireen sidii ay Diinsoor u qabsan lahaayeen, iyagoo dhowr jiho kaga soo wajahnaa.

Ciidamada is garabsanaya ayaa dagaalo kula kulmay wadada isku xirta Baydhabo iyo Diinsoor, iyadoo dagaalada ay ahaayeen kuwo cuslaa.

Boqolaal qoysas ah ayaa ka barakacay Diinsoor, kuwaasoo ka cabsi qabay in lagu dul dagaalamo, waxaana qoysaskii ka qaxay ay gaareen magaalada Baydhabo oo illaa 120-km u jirta Diinsoor.

Ma cada halka ay Al-Shabaab aadeen, waxayna ka bixitaanka Diinsoor ay noqoneysaa degmadii labaad oo muddo 24 saac gudahood isaga baxaan, kadib markii shalay ay ka baxeen Baardheere, halkaasoo ay la wareegeen Ciidamada huwanta.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda oo qeyb ka ah gulufka dagaal ee lagu qabanayo Diinsoor ayaa sheegay in maalinta berri ay gudaha u geli doonaan Diinsoor.

Gulufka dagaal ee ciidamada huwanta ka wadaan gobollada dalka ayaa ku wajahan deegaano dhowr ah oo Al-Shabaab kaga sugan yihiin Gobollada Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here