Taliska Ciidamada XD oo ka hadlay Howlgallada ka socda Gobolada Koonfureed

0
87

Taliska ciidamada zooga dalka Soomaaliya, ayaa ka hadlay howlgallada ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka wadaan Gobolada dalka, gaar ahaan Gobolada Koonfureed.
Abaanduulaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya C/risaaq Khaliif Cilmi oo la hadlay Warbaahinta ku hadasha Afka Dowlada, ayaa sheegay in ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay horumaro ballaaran ka gaareen howlgalka.
Wuxuu sheegay in Degmada Diinsoor ay ku dhaw yihiin ciidamada Dowladda, sidoo kalena dhanka Degmada Baardheere ay gaareen ciidanka deegaano ku dhaw oo uu ka xusay deegaanka Ceel cilaan.
Deegaanka Ceel-cilaan ayaa shalay waxaa ka dhacay dagaal culus, inkastoo Taliska Ciidamada Dowlada uu sheegay in ay la wareegeen deegaanka Ceel-cilaan.
Xoogaga Al-Shabaab ayaa dhinacooda isku dayaayo inay difaacdaan Magaalooyinka ay ciidanka huwanta ku sii jeedaan.
Dad badan oo shacab ah ayaa ka barakacay Magaalooyinka Baardheere iyo Degmada Diinsoor si ay uga nabadgalaan saameynta dagaalada.
Howlgalkaan ciidamada Dowladda Federalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ka wadaan Gobolada Koonfureed ee dalka ayaa ujeedkiisu yahay inay qabsadaan ciidamada Magaalooyinka waaweyn ee Ururka Al-Shabaab ay ku sugan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here