Taliska AMISOM oo beeniyay in ay dad rayid ah ku dileen Magaalada Marka

0
38

Howlgalka ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ayaa si xoogan u beeniyay eedeymaha ku aadan in askar ka tirsan ciidamada AMISOM ay dad rayid ah ku dileen magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Qoraal kasoo baxay taliska AMISOM ayaa lagu sheegay in ciidamada ku sugan magaalada Marka ay howlgal ka sameeyeen goob ay sheegeen in lagu tababarayay Alshabaab oo ka tirsan xaafada Ceel Hindi ee magaalada Marka.
Qoraalka kasoo baxay AMISOM ayay ku sheegtay in iska horimaad ka dhacay magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose ay ku dileen ku dhawaad shan ruux oo ay sheegeen iney Alshabaab ka tirsanaayeen.
Laakiin gudoomiyaha degmada Marka ayaa sheegay in dad rayid ah ciidamada AMISOM ku dileen magaalada Marka, kuwaasi oo rasaas ay ku fureen kadib markii qaraxyo lala eegtay ciidamada.
Sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheegaya in todobaadyadii lasoo dhaafay magaalada Marko ay ka taagneyd xiisad u dhaxeyso dadka deegaanka iyo ciidamada AMISOM maadaama dad badan AMISOM ay ku dileen magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Qoraalka AMISOM ayaa lagu sheegay iney gacanta ku dhigeen agab laga sameeyo waxyaabaha qarxa sidoo kalana ay ka siibaan calanka Alshabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here