Qaban qaabada xafladda caleemo saarka Madaxweynaha Galmudug oo ka socoto Cadaado

0
33

Qaban qaabo xoogan oo loogu jiro u diyaar garawga munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Maamul goboleedka Galmudug ayaa ka socota magaalada Cadaado, iyadoo ay iminka halkaasi ku qul qulayaan wafuud kala duwan.
Mahad Xaashi oo ka mid ah dadka ku sugan Cadaado ayaa sheegay in madaxda maamulka Galmudug ay iminka qaarkood ku suganyihiin garoonka diyaaradaha Cadaado, halkaasi oo ay ku soo dhaweynayaan mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda Federaalka ah ee ka qeyb galaya xafladda caleemo saarka.
Wakiilo ka kala socda beesha caalamka ayaa la filayaa inay qeyb ka noqdaan wafuudda ka qeyb galaysa munaasabadd, waxaana ciidamada ammaanka ay xoojinayaan nabadgelyada magaalada Cadaado iyo deegaannada ku xeeran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here