Sir Bernard Hogan-Howe iyo Sareeye Gaas Maxamed Sheekh oo London ku kulmay

0
26

Taliyaha Boliiska Soomaaliya Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo socdaal shaqo ku jooga Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa maanta oo Isniin ah waxaa uu la kulmay Taliyaha Guud ee Boliiska Ingiriiska Sir Bernard Hogan-Howe.

Sir Bernard Hogan-Howe iyo Sareeye Gaas Maxamed Sheekh oo London ku kulmay
Sir Bernard Hogan-Howe iyo Sareeye Gaas Maxamed Sheekh oo London ku kulmay

Sir Bernard Hogan-Howe ayaa dalkiisa ku casuumay Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Taliyaha Boliiska Soomaaliya, waxayna ka wada hadleen arrimaha amaanka labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa xogta kooxaha Argigixsada iyo in si wada jir ah loogu shaqeeyo amaanka Uk iyo midka Soomaaliya.

Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa uga mahad celiyay Sir Bernard Hogan-Howe Taliyaha Guud ee Boliiska Ingiriiska sida qiimaha leh ee dalkiisa ugu soo dhaweeyay iyo is dhaafsiga xogta amaanka iyo la dagaalanka Argixisada.

Sir Bernard Hogan-Howe ayaa isna u sheegay Taliyaha Boliiska Soomaaliya inay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaatan dib u dhiska Ciidamada Boliiska Soomaaliya iyo inay ka caawiyan tababarada iyo qalabeynta.

Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan oo tan iyo markii loo magacabay Taliyaha Boliiska Soomaaliya ku howlanaa dhisida xiriirka Boliiska Soomaaliya la leeyihiin dadka caalamka sida UK iyo dalalka kale ee dibadda ayaa safarkan waxaa uu ku doonaya inuu adkeeyo xiriirka ka dhaxeeya Boliiska Soomaaliya iyo kan Ingiriiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here