Guddiyada Doorashooyinka iyo Xuduudaha oo maanta la dhaarinaayo

0
50

Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ayaa maanta waxa ay kulan ku leeyihiin Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, iyadoo lagu hor dhaarinaayo Guddiyada Xuduudaha iyo Doorashooyinka ee ay horay u ansixiyeen.

Khadiijo Cosoble Cali, waa ganacsato waxay xubin ka tahay guddiga doorashooyinka
Khadiijo Cosoble Cali, waa ganacsato waxay xubin ka tahay guddiga doorashooyinka

Guddiyadaan ayaa kala ah Guddiga Doorashooyinka iyo Guddiga Xuduudaha waxaana ansixiyay Baarlamaanka oo xubin waliba oo Guddiga ka tirsan waxaa lagu ansixiyay in ka badan 94 cod.

Xildhibaan Maxamed Cumar oo Baarlamaanka ka tirsa ayaa sheegay in Ajandaha maanta uu yahay dhaarinta labadan Guddi ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha dalka.

Hadaba sagaalka xubnood ee Guddiga doorashooyinka

1. Siciid Xaashi Warsame,

2. Maxamed Xasan Thaani,

3. Xuseen Cabdi Aaden,

4. Sayid Cali Sheekh Maxamed,

5. Maxamed Axmed Nuur,

6. C/rixmaan Cismaan Dirir,

7. Maxamed Daahir Maxamuud,

8. Xaliimo Ismaaciil Ibraahim,

9. Khadiijo Cosoble Cali,

Magacyada Guddiga xuduudaha ayaa waxa ay kala yihiin;

1. Muuse Waxgarad C/laahi

2. Liibaan Cali Sahal

3. Maxamed Muxyadiin Sh. Sahal

4. Dr. C/laahi Gacal Cabdi

5. Abuukar Sheekh Cabdi Ibraahim

6. Siciido Xasan Cusmaan

7. Xuseen Xaashi Xasan

8. C/khaaliq C/laahi Xamza

9. Khaliif C/kariin Maxamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here