GEN MUUNGAAB oo booskiisa halis ku jira, Liiska Magacyo loo gudbiyay Madaxweynaha iyo Ma difaaci karaan Xaasaska Madaxweynaha Muungaab?

0
80

Waxaa la ogaaday in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud xilligan ka fikirayo sidii uu shaqada uga xayuubin lahaa Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” kadib markii Madaxweynaha soo gaartay warbixino ku saabsan hab dhaqanka Muungaab inuu sumcad tirayo Maamulkiisa.
mungab1Xog rasmi ah oo laga helay Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegaya inuu bilawday qabashada suuragalnimada liisaska ragga loo maleynayo inay doonayaan jagada Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho.

Newsomali.com oo beryahan baahinaysay Docomentiyo la helay oo cadeyn u ah musuq maasuqa ballaaran ee lugaha la galay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa xiriiro ay nala soo sameeyan dad siyaasiyiin ah iyo shaqaale xafiiska Madaxweynaha waxaa ay sheegayan in dhawr qof durba soo gudbiyaan codsigooda ah inay diyaar u yihiin qabashada jagada Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.
Liiska waxaa ku jira Xoghayaha Guud ee Xisbiga Nabadda iyo Horumarinta ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Lataliyaha sharciga Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu magacabo Avv Cumar C/lle oo loo yaqaano Cumar Dhegay , Maxamed Nuur Cadde, iyo xubno kale.
Waxaa suurtigal ah in rag galaangal ku leh Siyaasadda Soomaaliya ay ku lug leeyihiin soo jeedinta ah in shaqada laga ceyriyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”
Hase yeeshe Madaxweynaha waxaa laga yaaba inuu culeys uga yimaado qaar ka mid ah beelaha degan Gobolka Banaadir gaar ahaan beesha reer Mantaan oo jagadaas aaminsan inay xaq u leedahay.
Dhinaca kale Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa la sheegay inuu lacag iyo dhul fara badan gacanta u geliyay Xaasaska Madaxweynaha si culeyska loogu yareeyo.
Muungaab oo qarash ku bixiyay in laga sii daayo Idaacadda Qaranka (Radio Muqdisho) heeso isagu lagu amaano sidii Kacaankii oo kale ayaa dhaqaalaha tirada badan ee uu ka helay Maamulka Gobolka Banaadir waxaa uu u adeegsaday inuu ku fushado danahiisa gaarka ah ilaa uu qarash ku bixiyay in laga soo amaano shir garoowe ka dhacay.
In is bedel lagu sameeyo Maamulka Gobolka Banaadir waxaa uu muhiim u yahay damac siyaasadeed ee Madaxweyne Xasan Sheekh ku doonayo in mar kale jagada Madaxweynaha qabto 2016 ka, waayo Maamulka Banaadir waa muraayadii dalka haddii ay wasaqeysan tahayna waxaa hubaal in sumcada Madaxweynaha hoos u dhacayso.
Arrinta kale ee Madaxweyne Xasan Sheekh ka shakisan yahay ayaa waxay tahay Muungaab oo lacag fara badan diyaarsaday si isagana uga sii mid noqdo ragga u tartamaya jagada Madaxweynaha Soomaaliya 2016 ka.
Waxaas oo dhan oo isbaheystay waxay Madaxweynaha ku qasbayan in si deg deg ah u qaado talaabooyin uu ku badbaadinayo sumcadiisa iyo rajadiisa mustaqbalka in kastoo Madaxweynaha naftiida lagu dhaliilayo boobka hantida qaranka.
QAAR KA MID AH FADEEXADA MUUNGABA KU JIRA HOOS KA AQRISO

DOCOMINTIGII DHULKII WASAARADDA GAADIIDKA DUULISTA HAWADA OO LA IIBIYAY

3 Naamloos 1

AQRISO DOCOMENTI :FADEEXAAD GEN MUUNGAAB oo Labo Shirkadood oo uu leeyahay ku wareejiyay Ururunta Cashuuraha Beriga iyo lacagaha laga qaada Gaadiidka ka shaqeeya Dekedda
58Warqada

LA SOCO WARBIXIN CUSUB OO MUUNGAAB KU SAABSAN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here