Fanaanka Nimcaan Hillaac oo xalay Muqdisho ka yaabisay isna ka yaabsaday, Daawo Sawirada

0
192

Magaalada Muqdisho waxaa ka xalay dhacay bandhig faneed aan abid horay loo arag, kaddib markii ay ka soo qeyb galeen kumanaan dadweyne oo u soo daawasho tegay, iyadoo Hotelka City Palaza xalay uu noqday mid ay buux dhaafiyeen gudaha iyo hareeraha Hotelkaas.

Fannaaniinta Nimcaan Hillaac, Fartuun Cumar iyo Fannaanka da’da yar ee lagu magacaabo Dalnuurshe ayaa isku bir tumanayay xalay iyagoo si wacan u qanciyay dadkii ka soo qeybgalay bandhiga.
Fannaaniintaan oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu bandhig faneedkooda ahaa midkii ugu shacbiyadda badnaa ee ciidul Fitriga loogu dabaal degaayo.
Fannaanka da’da yar ee Nimcaan Hillaac oo ka tirsan fannaaniinta xiddigaha geeska Afrika isla markaana ka yimid Magaalada Hargeysa, ayaa markii ugu horeysay u yimid magaalada Muqdisho sidii uu uga qeyb qaadan lahaa bandhig faneedka maalinta ciida.
Dhinaca kale Fartuun Cumar oo ka mid ah fannaaniinta gabdhaha ah ee loogu jecel yahay Waqooyiga Ameerika oo iyaduna maalmahaan ku sugneyd magaalada Muqdisho ayaa xalay soo bandhigtay heeso aad u soo jiitay shacabka Muqdisho.
IMG_01401 IMG_0008 IMG_0012 IMG_0021 IMG_0056 IMG_0057 IMG_0062 IMG_0120 IMG_0137 IMG_0142 IMG_0164 IMG_00761
1210 1 2 3 4 5 6 031 081 134 142

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here