FADEEXAD DOCOMENTI Muungaab ku bixiyay Dhulkii Wasaaradda Gaadiidka Duulista Hawada ee Degmada Dharkanley iyo Farsamadii Xaaranta ahayd ee la adeegsaday

0
107

Fadeexada dhulka Qaranka ee uu  bixiyay kana mas’uulka yahay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” aad ayay u badan yihiin, waana sii badweynta hindiya oo kale, lagumana soo koobi karo qoraal iyo warbixino hase yeeshe maalinba qeyb ayaan ka soo qaadan doonaa haddii ilaahay ogolaado.HALKAN KA FURO DOCOMENTIGA OO DHAMEYSTIRAN)

Naamloos 3
dhul
Habka Farsameysan ee Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab dhulalka u bixiyo haddii aan wax yar idinka iftiimiyo waa sidan.
1Haddii uu arko ama uu soo helo Dhul ay leedahay Wasaarad, isla markiiba waxaa uu heshiis la galaya Wasiirka waqtigaas ee Wasaaradda dhulkaas iska leh Madax ka ah, wuxuuna ka dhaadhiciyaa in uu ogolaado codsigiisa kadibna 20% dhulkaas waxaa la siinaya Wasiirka inta kalena Muungaab iyo shaqsiyaad kale ayaa qaata.

Wasiirkii hore Wasaaradda Gaadiidka duulista Hawada Said J. Ali Korshel ayaa heshiis kula galay Muungaab dhul ay Wasaaradaas lahayd oo ku yiilay degmada Dharkenley, sida aad ku arkaysaan qoraalada mid Wasiir, Duqa Magaalo ilaa iyo Madaxweyne la is dhaafsaday.

Dhulkaas inta badan waxaa iibsaday Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” qaarna waxaa la siiyay Madaxweynaha waxaana lagu galay ololihii Madaxweyne Maamul Goboleedka Galmudug oo lagu taageeraya dhul iyo dhaqaalihii ka yimid Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Dhulkaas qeyb ka mid ah Shirkadaha waa weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa laga iibiyay.

Hadaba inta badan lacagtii dhulkaas waxay ku dhacday jeebka Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”

 
HALKAN DOCOMENTA OO DHAMEYSTIRAN KA FURO
tuulo-xaaraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here