Dowladda iyo AMISOM Oo Bardheere Ku Wajahan

0
86

Wararka naga soo gaaraya Magaalooyin ka kala tirsan Gobolada Baay iyo Gedo ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ee wada socda ay qarka u saaran yihiin inay la wareegan magaalada muhiimka ah ee Baardheere halkaas oo kooxaha mayalka adag ee al shabaab ay maamulayaan muddo sanado ah.
5Dhamme Cumar Sheekh Ismaaciil oo ku sugan degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay ayaa sheegay in ciidamada huwantu ay wadaan dadaallo badan oo ay ku doonayaan in ay gacanta kula wareegan gacan ku hayanta magalada Bardheere.

Dhamme Cumar ayaa maleeshiyada Al-shabaab ku eedeeyey in ay dhibaatooyin badan ku hayso shacabka ku dhaqan degmada oo loo baahan yahay in dhibkaasi laga dulqaado.
Xaalad cabsi ah ayaa laga soo sheegayay magaalada Baardheere labadii maalmood ee aynu soo dhaafnay iyadoo laga dareemayo dhaqdhaqaaqyo ciidan.
Qof jooga Baardheere ayaa sheegaya inay u badan tahay in ciidamada huwanta si fudud kula wareegan mar haddii aysan shabaabka dagaal ku fool ku fool ah diyaar u ahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here