Madaxweyne Xasan oo labada gole Dowladda xaflad ugu sameeyay hoygiisa (Daawo Sawirada)

0
100

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha  Somaliya, ayaa xaflad kooban hoygiisa ugu qabtay xubno ka tirsan Labada Gole, Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, Masuuliyiin kale oo Dowladda ka tirsan iyo qaybo ka mid ah bulshada.
9 1 2 3 4 5 6 7 8
Xubnahan oo Madaxweynaha kula wehlinaayay Salaaddii Ciidda oo saakay uu ku soo tukaday Masaajidka Isbahaysiga, ayaa xaflad quraac ah gurigiisa Magaalada Muqdisdho ugu sameeyay.

Madaxweynaha, ayaa mar kale shacabka ugu hambalyeeyay munaasabadda ciidda, isagoo dhinaca kalana ku booriyay in la adkeeyo midnimada iyo is jaceylka bulshada dhexdeeda.

“Muhimadda koowaad ee shacabka iyo dalka waa amni, si aan amni buuxda u helno waxaa khasab ah inaan si wadajir ah dhibaatadaasi u wajahno. Ilaahay wuxuu inoo fidinayaa naxariis iyo kheyr haddii aan isku duubnaano, oo aan mid noqono.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxa kaloo uu yiri “Aan Ilaahay dartii isku cafino, ugana shaqeyno midnimada dadkeena. Waxaa kale oo muhiim ah inaan sharciga ilaalino, dowladnimadana taageerno si waddankeena uu horumar u gaaro, dibna aan usoo ceshano maqaamkii sharafka lahaa ee aan caalamka ku lahayn.”

Madaxweyne Xasan waxa uu dadka Somaliyeed uu dal iyo dibadba ugu baaqay inay maalgashi ku sameeyan dalkooda, si dib loogu soo noolleeyo kaabayaashii dhaqaalaha ee dalka uu lahaan jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here