Madaxweynaha Somaliya oo dadka reer Muqdisho Salaaddii Ciidda kula tukaday Masaajidka Isbahaysiga (Daawo Sawirada)

0
30

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa uu maanta Salaaddii Ciidda uu boqolaal ruux kula tukaday Masaajidka Isbahaysiga ee Magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha Baarlamaanka, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Xeer Ilaaliyaha Guud Qaranka, Axmed Cali Daahir, tiro ka mid ah Golaha Wasiirada, Xildhibaanada, Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida iyo xubno kale oo ka tirsan Dowladda, ayaa shacabka reer Muqdisho Salaaddii Ciidda kula tukaday Masaajidkaasi.

Ciidamada Dowladda oo gacan ka helaaya Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ayaa si weyn u adkeeyay ammaanka Masaajidka Isbahaysiga, waxaana baaritaano adag la marsiinaayay dadkii gelaayay Masaajidka.

Madaxweynaha oo khudbad u jeediyay shacabka, ka dib Salaaddii Ciidda, ayaa ugu hambalyeeyay Munaasabadda maalinta 1-aad ee Ciidul Fidriga.

Madaxweynaha waxa uu shacabka ugu baaqay inay dhexdooda is gargaaraan, maanta oo kalana ay ka shaqeeyan dib u heshiisiinta dadka Somaliyeed, si Somaliya ay markale cagaheeda isugu taagto.
155 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here