RA'IISAL WASAARE oo saaka u amba-baxaya magaalada Qardho

0
78

Wafdiga uu hogaaminayo Raysal wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa saaka u socdaalaya magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, waxaa wafdiga Raysal wasaaraha ka mid ah xubno ka tirsan xukuumadiisa, Wasiiro ka tirsan Puntland iyo Jubbaland.
cumar2Socdaalka Raysal wasaaraha ayaa ku qotoma sidii uu kulan ula qaadan lahaa Boqorka beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ku sugan Qardho, Wararku waxay sheegayaan in kulankooda la xiriiro sidii ay uga wada hadli lahaayeen is-mariwaaga dhexyaala shirka Garoowe ee u dhaxeeya Puntland, Jubbaland iyo Dowladda Federaalka oo weli natiijo laga gaarin.
Dhica kale ilaa hada waxaa natiijo la’aan maraya shirkan Puntland, Jubbaland iyo Dowladda Federaalka oo la isku mari layahay qodobo kala duwan oo qaarkood la xiriira maamulka Galmudug, Dastuurka federaalka iyo Guddiga xuduudaha maamulada ee dowladda federaalka waxaana ha’kad galay shirka.

Raysal Wasaare Cumar ayaa socdaalkiisa Qardho qaadan doonaan muddo aan ka badnayn labo maalin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here