Mustaf Dhuxulow oo dad Masaakiin ah afuriyay kana qeyb qaatay Walaal afuri

0
106

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya isla markaana xubin ka ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa ka qeyb qaatay Barnaamijka Walaal Afuri oo ugu deeqay Lacag lagu afurinayay dadka masaakiinta ah ee aan waxba haysanin.
dhuxuloow1Dhuxulow ayaa afuriyay dad masaakiin ah waana habeenkii ugu dambeeyay bisha Ramadan, waana fursad qaali ah oo qof nasiib leh hela inuu dad masaakiin ah afuriyo ama uu caawiyo.
Xildhibaan Dhuxulow ayaa inta badan lagu tilmaama inuu yahay Mudane taageera xad iyo jeer dadka masaakiinta ah ee dhibaateysan sidaas darteed, tani waxay ka mid tahay dadaalkiisa taageerada dadka soomaaliyed.
Walaal Afuri waa Barnaamij loogu talagalay in lagu afuriyo dadka Soomaaliyed ee aan awoodi karin maareynta bisha Ramadaan.
Dadka Dhuxulow afuriyay waxay ku nool yihiin qaarkood xeryaha qaxootiga ee Magaalada Muqdisho halka kuwa kale ay ku nool yihiin gobolada dalka.
Mustaf Dhuxulow waa Xildhibaanka keliya ee ka war qaba dadka Soomaaliye ee uu Baarlamaanka u metela isagoo maalmaha ciida iyo maalmaha kale munaasabadaha jira kala qeyb qaata, inta badan waxaa uu booqda xeryaha qaxootiga iyo dadka kale ee xanuunsan cidna aan waxba u qaban hase yeeshe Dhuxulow si shaqsiyan ah u taageera dadkaas isagoo ka caawiya wax alla wixii loo qaban karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here