Xaalada degmada Xudur oo laga deyrinayo, kadib markii ay go’doomisay Al-Shabaab

0
39

Xaalada nololeed ee degmada Xudur ayaa laga deyrinayaa, sanad kadib markii Al-Shabaab ay go’doomisay degmadaas, iyadoo Mas’uuliyiin maamulka ay ku baaqeen in gar gaar la soo gaarsiiyo.

Guddoomiye kuxigeenka degmada Xudur Mustaf Aadan Xuseen (Baariyow) ayaa sheegay in degmada ay la soo deristay daawo la’aan, isagoo tilmaamay in dhowaan ay Wasaaradda Caafimaadka soo gaarsiiyay daawooyin.

“Markii kooxaha nabad diidka ay go’doomiyeen degmada, xaalado bani’aadanimo ayaa soo gudboonaaday, waxaa ugu darneyd raashinkii iyo daawooyinka oo gabaabsi noqday, balse waxaa dhowaan na soo gaaray daawo nooga timid Wasaaradda Caafimaadka”ayuu yiri Baariyow.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in wadada kaliya ee u furan Xudur ay tahay tan aada dhinaca Ceel-Barde, isagoo xusay in wadadaas ay si xoog ah ku fureen.

Guddoomiye kuxigeenka degmada Xudur ayaa intaa ku daray in dhowaan ay qorsheynayaan inay isu furaan deegaanada kale ee Gobolka Bakool.

Al-Shabaab ayaa go’doomisay deegaano badan oo ku yaala koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, kadib markii ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here