WASIIR UGA DIGAY MUUNGAAB IYO DADKA KALE EE DOONAYA INAY IIBSADAAN DHULKII WASAARADA XANAANADA XOOLAHA EE KU YIILAY DULEEDKA MUQDISHO

0
94

Wasiir ku-xigeenka Xanaada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdinaasir Gaarane Maxamed ayaa uga digay dadka doonaya inay iibsadaan ama ay dhistan dhul ay lahayd Wasaaradda oo ku yaala duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xaafada dharkenley.
maxresdefaultDhawaaqa ka soo yeeray Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ayaa ku soo beegmay maalmo kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho beecinayo dhul Wasaarada lahayd oo ku yaala degmada Dharkenley ee Magaalada Muqdisho.

Wasiir ku-xigeenka Xanaada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Cabdinaasir Gaarane Maxamed ayaa sheegay in Wasaaraddu ay bilaabeyso dhawaan mushaariic lagu dhisayo Xarumaha Wasaarada, isagoo ugu baaqey dadka xilligaan degan xarumaha Wasaaradda iney isaga baxaan si loo dhiso, isla markaana loogu adeego bulshada.

Cabdinaasir Gaarane Maxamed oo hadalkiis sii wata ayaa uga digay bulshada Soomaaliyeed inay iibsadaan dhulalka Wasaaraddu leedahay, isagoo tilmaamay in ciddii lacag iska gelisaha xarumaha Wasaaradda lagala wareegi doono, guryaha uu ka dhisto goobahaasi

Newsomali.com ayaa xalay baahiyay warka ku saabsan in Guddoomiyaha gobolka Banaadi ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” oo qorsheynayo inuu beec geliyo dhulal Wasaarada Xanaanada Xoolaha ku lahayd duleedka Magaalada Muqdisho.
Talaabada uu qaaday Wasiir kuxigeenka ayaa si weyn loo soo dhaweeyay waayo hantida qaranka ma aha in qof ama labo midkood iibin karo iyadoo aa loo marin sharci.
Guddoomiyaha gobolka Banaadi ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa dhaqan ka dhigtay inuu beeciyo ama ganacsato ku wareejiyo dhulal badan oo Dowladda Soomaaliya lahayd taas oo dad badan la yaab ku abuurtay isla markaana ay dhaleeciyen hab dhaqankiisa.HALKAN KA FURO WARKII XALAY MUUNGAAB KA QORNAY

AQRISO DOCOMENTI :FADEEXAAD GEN MUUNGAAB oo Labo Shirkadood oo uu leeyahay ku wareejiyay Ururunta Cashuuraha Beriga iyo lacagaha laga qaada Gaadiidka ka shaqeeya Dekedda

BAL NALA ARKA SOOMAALIYEY Sida Muungaab u qeybiyay Jardiinadii Magaalada Muqdisho, Gurey Xaaji, Xasan Warshiiq, Caajis, oo la siiyay Afarta Jardiin iyo Midka Cabdicasiis, balse Yaa la siin doona kuwa Boondheere oo la dhisay, Qeybtii Koowaad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here