SAREEYE GAAS Maxamed Sheekh Xasan oo Taariikhdii Madoobeyd tirtiray, Mise Og tahay inuu noqday?Faalo kooban

0
89

Taliyaha ciidanka boliiska Soomaaliyeed, Gen. Max’ed Sheikh Xassan Xaamud oo loo dallacsiiyay derejada “SARREEYE GAAS” ayaa  noqday sarkaalkii ugu horreeyay ee ka soo jeeda gobollada K/Galbeed Soomaaliya ee derajadaas gaara tan iyo dhalashadii Qaranka Soomaaliyeed 1960 sida ay sheegayan baaritaano  sameysay.HALKAN KA FURO SAWIRADA XAFLADII SHALAY LAGU DALACSIYAY 

Wasiirka Amniga Gudaha oo Darajada Sareeye Gaas u xiraya Gen Maxamed Sheekh
Wasiirka Amniga Gudaha oo Darajada Sareeye Gaas u xiraya Gen Maxamed Sheekh

Dadka Dega Koonfurgalbeed intii ay Soomaaliya xoriyadda haysatay waxay ku hoos noolaayan Taariikhd madoow hase yeeshe Taariikhdaas hadda waxaa lagu baabi’yay wareegto shalay ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, markii uu arkay Qodobka 87aad, farqadda 1aad Xaraf “C” iyo farqadda 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya, Markuu arkay Qodobka 90aad, Xarafka “B” ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya, Markuu arkay sharci Lambar 2 ee soo baxay 23/12/1973 kuna saabsan dhismaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, Markuu tixgeliyay soo jeedinta ee Wasiirka Amniga ee ahaa in la dalacsiiyo hal darajo, markuu uu garwaaqsaday mudnaanta uu sargaalkani mudanyahay in ka ladalacsiiyo,waxa uu soo saaray xeerkan uu ku dalacsiinayo Maxamed Sheekh Xasan Xaamud in uu u dalacsiiyay darajada Sareeya Gaas, waxaana marqaati ka nahay in garaadda lagu dalacsiiyay uu taliyuhu heli doono” ayuu yiri Wasiirka Amniga gudaha.

MAXAMED SHEEKH OO NOQDAY SARKAALKII UGU HOREEYAY OO KA SOO JEEDA KOONFURGALBEED OO NOQDAY SAREEYE GAAS
MAXAMED SHEEKH OO NOQDAY SARKAALKII UGU HOREEYAY OO KA SOO JEEDA KOONFURGALBEED OO NOQDAY SAREEYE GAAS

Hadaba ma jirin Sarkaal ka soo jeeda Koonfurgalbeed oo derajadaas noqday ama loo magacabay Sareeye Gaas.

Xukuumadihii Madaxweynayaashii Aadan Cadde, Cabdirashiid Cali Sharmaárke, midii Kacaanka ilaa iyo wixii ka dambeeyay ma jirin qof u dhashay Gobolada Baay iyo Bakool oo Sareeye Gaas noqday, Hase yeeshe dadka Goboladaas degan waxay tirsan jireen Cadaalad daro dhinaca darajooyinka ah.
Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Taliyaha Boliiska Soomaaliyed waxay meesha ka saaraysa Taariikhdii madoobayd ee dadka koonfurgalbeed ka haysatay Darajadaas, waxayna Taariikhdaas xun dhamaatay maalintii shalay oo ahayd 13 ka bisha July oo Maxamed Sheekh noqday Sareeye Gaas.
BH0A9152Mr Maxamed oo ah nin afgaaban oo aan hadal badnayn waxaa lagu tilmaama inuu yahay nin waxqabadkiisa muuqda inta badan meelihii xilalka ka soo qabtay sida Sirdoonka iyo Gaashandhigga oo uu ka soo noqday Wasiir, labadaas meelood wax badan ayuu ka soo qabtay, waxaana la sheegaa inuu isaga dhisay laanta Sirdoonka isla markaana lahaa aragtida ah in Ciidamo isku dhaf la sameeyo, fikirkaas waxaa uu soo jeediyay markii uu ahaa Wasiirka Gaashandhigga.

In kastoo waqti yar uu haayo Xilka Taliyaha Boliiska Soomaaliya hadana durbadiiba waxaa uu qaaday tallaabooyin aad loo amaanay kuwaas oo ay ka mid ahaayan in Ciidamada Boliiska ku soo daro dhalinyarada ka baxday Dugsiyada Sare oo qaarkood hadda tababaro ciidan u jira Uganda, ilaalintii Imtixaanada Dugsiyada Sare, amaanka Caasimadda Muqdisho iyo inuu sare u qaado aqoonta iyo tababarada Ciidamada Boliiska Soomaaliyed.

By Nuradiin Macalin Mukhtar (Diinow)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here