Madaxweynaha Galmudug oo loo diiday inuu booqasho ku yimaado Magaalada Caabudwaaq

0
71

Odayaasha iyo waxgaradka ku nool Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, ayaa waxay si xoogan kaga horyimaaden in Magaaladu uu booqasho ku yimaado Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseeen Guuleed.
9
Caabudwaaq waxaa hadda ku sugan mid ka mid ah Ku Xigeenada Madaxweynaha lagu doortay Magaalada Dhuusamareeb. Dhuusamareeb waxaa lagu magacaabay afar Madaxweyne Ku Xigeeno.

Bulshada reer Caabudwaaq oo u muuqato kuwo taageersan Madaxweynaha lagu doortay Magaalada Dhuusamareeb, ayaa waxay si weyn u qaadaceen in C/kariin Xuseen Guuleed uu cagta soo geliyo Caabudwaaq.

Cadaado waxaa iminka ka soconaaya safar la diyaarinaayo in Magaalada Caabudwaaq uu ku taggo Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug, Maxamed Xaashi Carabey oo isagu deegaan ahaan ka soo jeeda Caabudwaaq.

Guuleed, ayaan sidoo kale taggi karin Magaalooyinka Guriceel, Dhuusamareeb iyo Xeraale, oo ka mid ah Magaalooyinka ay ka arrimiso Ahlu Sunada Gobolada Dhexe.

Guuleed waxa uu toddobaadkii hore ku dhawaaqay inuu wada hadalo la furi doono Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, si labada dhinac ay halmeel isugu yimaadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here