Maareeyihii Saadaasha hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo K/Xigeenkiisa oo is casilay

0
123

Maareeyihii hay’adda saadaasha hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xilkiisa iska casilay, iyadoona sidoo kale uu is casilay K/Xigeenkii maareeyaha.
cali-madobeIlaa iyo iminka lama oga sababta rasmiga ah ee ay isku casileen labadaan mas’uul, hase yeeshee K/Xigeenka Maareeyaha hay’adda saadaasha hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu magacaabo Maxamuud Faarax Cigaal ayaa warbaahinta u sheegay in howlihiisa ay soo wajaheen caqabado.
“Howlaheena waxay ka socon waayeen Wasiirka Gaadiidka Cirka” ayuu yiri Maareeye K/Xigeenka oo sheegay inuu gudbiyay warqadda is casilaadiisa.
Maareeye K/Xigeenka ayaa sheegay inuu sugayo aqbalaadda warqadiisa is casilaada, isagoona sheegay inuu isagu go’aansaday mar haddii ay howlihiisa caqabado soo food saareen inuu meesha banneeyo.
Dhinaca kale Maareeyaha hay’adda saadaasha hawada Cali Madoobe oo haatan howlo shaqo u jooga dalka Talyaaniga ayaa la sheegayaa inuu xilka iska casilay, inkasta oo aan isagu afkiisa laga maqlin inuu is casilay iyo in kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here