Hogaanka Boliiska Soomaaliyed iyo Deeq bixiyaasha oo kulmay, Daawo Sawirada

0
74

Siminaarkan oo ku saabsanaa in Booliska Soomaaliya uusan yeelan wax xuduud ah iyo Ciidamada Boliiska wax walba oo ay u baahan yihiin loo dhameystiro ayaa waxa ka qeyb qaadanaya Saraakiil Boliis oo ka kala socda Puntland, Galmudug, Jubuland, Koonfurgalbeed, Hiiraan, Shabeellaha hoose, Dhexe iyo Deeq bixiyaasha Caalamka sida Qaramada midoobay iyo Midowga Yurub.

Taliyaha Boliiska Soomaaliyed Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa furay Siminaarka waxaa uu ka hadlay muhiimada uu u leeyahay Siminaarkan Ciidamada Boliiska Soomaaliyede ee jooga Caasimadda iyo Gobolada dalka.

“Shir labo maalmood socnayaa  qeebtiisa hore oo ah aqoon is weedaarsi, laxiriira dhamaan ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ka kala yimid, Puntland, Jubaland, Koofur galbeed, Galmudug, Hiraan iyo Shabeelaha Dhexe,  sidaas oo kale waxaa soo qaban qaabiyay  siminaarka taliska ciidanka booliska oo gacan ka helaya UN boolis, waxaa sharaf noo ah aniga iyo saraakiisha ka kala yimid maamul gobaleedyada in aan halmar, isla qaadano boolis Soomaliyeed aan xaduud laheen” ayuu yiri Taliyaha booliska.
Siminaarka oo labadii Maalmood hore u gaar ahaa Soomaaliya keliya ayaa maanta waxaa ka qeyb qaadanayay deeq bixiyaasha waxaa uuna ka socda Siminaarka gudaha Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
Taliyaha Boliiska Soomaaliyed Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan ayaa u soo bandhigay deeq bixiyaasha baahida qalab ee ay qabaan Ciidamada Boliiska Soomaaliyed.
“Maadama aanu nahay dal burburay oo soo kabsanaya waxaan u baahanahay in nagala taageero dhinaca tababarada iyo qalabka casriga ee Boliiska Caalamka ku shaqeeyan waqti xaadirkan”ayuu yiri Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan.
Taliyaha hoggaanka baarista dembiyada ee Maamulka Buntland, Taliyaha hog. Tababarada Boliiska Maamulka Buntland Taliyaha Akadeemiysda Boliiska Carmo , Taliyaha Qaybta Guud ee Maamulka Galmudug, Taliyaha Qaybta Guud ee Boliiska Maamulka K/galbeed. Taliyaha Qaybta Boliiska Hiiraan. Qaybta Boliiska Sh/dhexe, Taliyaha Qaybta Boliiska ee Sh/hoose iyo Taliyeyaasha Hoggaamada Taliska dhexe dhamaantooda ayaa qeyb ka ahaa Siminaarkan.
BH0A9465 1 BH0A9427 BH0A9428 BH0A9432 BH0A9435 BH0A9437 BH0A9438 BH0A9441 BH0A9445 BH0A9446 BH0A9448

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here