Danjire Maxamed Cali America oo goor dhaw gaaray Magaalada Muqdisho,

0
194

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya mudane Maxamed Cali Ameeriko ayaa barqanimadii maanta  si deg deg ah ugu laabtay Magaalada Muqdisho kadib ay u Xukuumadda Soomaaliya yeertay  Safiirka, goor hore oo saaka ayuu  ka degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Danjire America iyo Madaxweynaha kenya oo wada fadhiya
Danjire America iyo Madaxweynaha kenya oo wada fadhiya

Danjire Maxamed Cali Ameeriko ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha dibadda Mahad Maxamed Salaad iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda.
Shir jaraa’id oo ay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde si wadajir ah ugu qabteen wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda iyo Danjire Maxamed Cali Ameeriko ayeey ku faah faahiyeen sacdaalka uu Danjiruhu dib ugu soo laabtay Muqdisho.
Wasiir Ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mahad Maxamed Salaad ayaa sheegay in xukuumadda Federaalka ay u yeeertay Danjiraha si loogala tashado xarigii qunsulka safaaradda u geysteen ciidamada Kenya.
Sidoo kale Danjire Maxamed Cali Ameeriko oo isna hadlay ayaa tilmaamay in uu Muqdisho u yimid si uu xukuumadda ugu sharaxo ama ugu faah faahiyo xarigii ay ciidamada Kenya u geysteen Qunsulka Safaaradda Siyaad M. Shire .
Waxaa muuqata inuu dhaawacmay xiriirkii diblomaasiye ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo kenya tan iyo markii Ciidamada amaanka kenya xireen Qunsulka Safaarada Soomaaliya ee Magaalada Nairobi habeen hore,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here