Howl galadii Galgaduud oo bilowday iyo Ciidamada huwanta oo saakay ka dhaqaaqay Dhuusa Mareeb

0
143

Wararka ka imaanaya degmada Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka uu bilowday howl galadii ku wajahnaa deegaanada bariga gobolkaas ee ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Sida ay sheegayaan wararka ciidamada huwanta ayaa saakay ka dhaqaaqay degmada Dhuusa Mareeb, iyagoo ku wajahan degmada Ceelbuur iyo deegaanada kale ee gobolka Galgaduud, waxaana jira dhaq dhaqaaqyo milateri oo aad u ballaaran.

Ciidamada Itoobiya ee ka mid noqday howl galka AMISOM ayaa tan iyo xalay waday diyaar garow iyo dhaq dhaqaaq ciidan, kadib markii maalmihii la soo dhaafay ku sugnaayeen duleedka Dhuusa Mareeb.
6Koox wariyeyaal ah oo la socota ciidamada howl galka ka qeyb qaadanaya ayaa soo sheegaya in ciidamadu ay aad u hubeysan yihiin, isla markaana ay goor dhoweyd ka dhaqaaqeen duleedka Dhuusa Mareeb.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qorshaha ugu weyn uu yahay sidii maanta ay ugu yaraan ku dhowaan lahaayeen ama la wareegaan degmada Ceelbuur oo lagu tiriyo mid ka mid ah saldhigyada ugu weyn Al-Shabaab ee Gobolada Dhexe.

Ciidamada Itoobiya oo qabsaday Ceelbuur sanad ka hor ayaa isaga baxay, hase ahaatee xilligaas ma aanay ka mid aheyn AMISOM, waxaana Saraakiisha sare ee AMISOM ay sheegeen in Itoobiyaanka ay door weyn ka qaadan doonaan howl galka Al-Shabaab looga saarayo gobolada.

Maalmihii u dambeeyay ayaa Al-Shabaab laga qabsaday dhowr degmo oo ka tirsan Gobolada Bakool, Hiiraan iyo Gedo, laakiin ma jirto ilaa iyo hada gaadiid laga qabsaday ama laga gubay intaba, waana sababta shakiga gelineysa howl galkan mustaqbalkiisa, maadaama Shabaab wali cududooda milateri taagan tahay, ayna suura gal tahay in weeraro rogaal celis soo qaadaan ama ku dhufo oo ka dhaqaaq muddo fog qaata.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here