Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo la wareegay degmada Qoryooley, kadib dagaal…

0
182

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa goor dhow la wareegay degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose, kadib dagaal culus oo halkaas ka dhacay, iyadoo dagaalada ay dhaceen intii ciidamada sii galayeen degmada.
breaking_news_37595

Wararka aanu heleyno ayaa sheegaya in Ciidamada huwanta ay dhowr jiho ka galeen degmada Qoryooley, isla markaana ay la kulmeen iska caabino adag oo uga imaanayay xoogagii Al-Shabaab ee degmada ku sugnaa.

War qoraal ah oo AMISOM soo dhigtay barta Facebook ayaa lagu sheegay inay kula wareegeen degmada Qoryooley oo qiyaastii magaalada Muqdisho u jirta ilaa 120-KM.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Siidii ayaa sheegay in degmada xaaladeeda degan tahay, isla markaana ay ciidamada si xoog kula wareegeen, kadib markii ay dhowr jiho ka galeen.

“Qoryooley xaalkeeda waa degan yahay, ciidamada xooga dalka ee sooma jeestayaasha iyo kuwa AMISOM ayaa afarta barjo ka galay, dhanka Baydhabo ka imaada, jidka dhinaca Toora Toorow, jidka Danaw iyo Shalanbood, nimankii nabad diidka waa ka carareen”ayuu yiri C/qaadir Siidii.

Mr Siidii ayaa sheegay in degmada ay ku sugan yihiin Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka, taliyaha Ciidamada Uganda ee howl galka hogaaminaya iyo saraakiil kale, isagoo xaqiijiyay in goor dhow ka warbixin doonaan dagaalada.

Dhinaca kale Xoogaga Al-Shabaab ayaa weerar rogaal celin ku qaaday degmada, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn qasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaana ka barakacay degmada dadkii deegaanka ee ku sugnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here