Al-Shabaab oo ka baxday Qoryooley

0
155

Ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa lagu soo warramayaa inay ku sugan yihiin duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha hoose, halkaas oo la sheegay inay isaga baxday Al-Shabaab.
al-shabab.photoblog900Madaxa howlgallada guutada saddexaad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Colonel Xasan Jaamici ayaa sheegay inay qorsheynayaan inay gudaha u galaan, isla markaana ay fariisin ka sameystaan degmada.

Wuxuu xaqiijiyay inay jiraan ciidamo kale oo u dhaqaaqay dhanka deegaanka Buulo-mareer oo hoos taga degmada Kurtunwaarrey ee isla gobolka Shabeellaha hoose.

Saraakiisha hoggaaminaya ciidamada waxay sheegeen inuu maanta gobolka Shabeellaha hoose si rasmi ah uga billowday howlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo lagu soo warramayo inay isaga baxday deegaannada ay ciidanka dowladda ku wajahan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here