MADAXWEYNE Barack Obama oo maalinta Isniinta imaan doono Magaalada Den haag ee dalka Holland

0
212

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa markii ugu horeysay booqasho ku imaan doona dalkan Holland maalinta isniinta oo bisha Marso ay tahay 24 ka, isagoo ka qeybgali doona shirka looga hadlayo nucleair ee ka dhacaya Magaalada Den Haag.
626150In ka badan 3000 oo Wariyaal ah ayaa soo gaartay dalka Holland si ay u tabiyan wararka shirka ka dhacaya Den Haag ee looga hadlaya nucleair.

Waa Markii ugu horeysay oo Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama booqasho ku yimaada dalkan Holland.

Imaansha Obama ee dalka Holland ayaa ku soo aaday iyadoo ay taagan tahay xiisaha reer galbeedka iyo Ruushka oo ku aadan Crimea.

Waxaa laga yaaba in imaanshaha Obama ee dalka Holland saameyn ku yeelato qeybo ka mid ah nolosha dadka ku dhaqan Magaalada Denhaag ama meelo kale oo ku dhaw dhaw goobta shirka ka dhacaya.

Amaanka ayaa la adkeeyay, Diyaarado dagaal oo Mareykanka leeyahay ayaa soo gaaray Nederland si ay qeyb uga noqdan kuwa sugaya amaanka Madaxweyne Obama sidoo ka;e Ciidamada dhar cadka iyo kuwa xiran dharka Ciidamada ayaa gaaf wareegi doona inta badan waddooyinka isku xira Denhaag  iyo Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Amsterdam.

Wadooyinka  qaar ayaa sababo dhinaca amaanka loo xiraya sida ay sheegayan wararka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here