Gaadiid uu la socday madaxweynaha Soomaaliland oo shil galay iyo labo wasiir oo ku dhaawacantay

0
179

Wafti uu la socday madaxweynaha Soomaaliland ayaa la sheegay gawaaridi ay waten labo ka mid ah inay isku dhaceen,waxaana la sheegay in iskudhaca uu sababay geerida caaqil iyo dhaawaca labo wasiir.
breaking_news_37595

Shilkan gawaarida ay galeen,waxaana la sheegay inuu yimid kaddib markii ay isku dhawaceen labo gaari oo ay kala wateen wasiirka caafimaadka Soomaaliland Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) iyo wasiirka warfaafinta Soomaaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse),waxaana labada wasiirba soo gaaray dhaawacyo.

Waxaa la sheegay inuu shilkan dhacay saakay,waxaana uu ka dhacay deegaanka Geelo Kor oo hoostagta magaalada Berbera.

Wararka ilaa hadda laga helayo shilka waxaa ay sheegayan in wasiirka warfaafintu ka jaban yahay Kalxanta iyo Gacanta, halka Xagla-toosiye oo ah wasiirka caafimaadka Soomaaliland la sheegayo xaalad miyri doorsoon ah in uu ku jiro.

Sidoo kale waxaa shilkaan ku geryoodey Caaqil Cabdi Hadoodil oo ka mid ahaa waftiga,waxaana dhaawacyada iyo meyda caaqilka loo soo qaaday magaalada Berbera oo markii horaba waftigu ay ku sii jeeden.

Docda kale waxaa la sheegay in wasaaradda caafimaadka maamulka ay gurmad u dirtay iyadoona la sheegayo in dhaawacyada la keeni doonno magaalada Hargeysa.

Siilaanyo iyo waftigiisa ayaa maalmahan ku jiray booqashoyinka gobollo kala gadisan isagoona dhawaan booqasho saacado qaadatay ku yimid magaalada Laas-qoray ee gobolka Sanaag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here